“Raadkoodii baa la goobayaa Reerka iyagoon kala lahayn kii wax dilay iyo kii aan waxba ka ogeyn..” Wasiir Cali M. Waran-Cadde

Xaaji-Saalax(Aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday inay tallaabo adag ka qaadi doonto cidda geysatay dilka Taliyihii Saldhigga Booliska Degmada Xaaji-Saalax ee gobolka Daad-Madheedh oo ay Koox Hubaysani toddobaadkii hore ku dileen Tuulada Laan-Mullaaxo oo degmadaa ka tirsan.

CALI WARAN-CADDE

Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo ay Xubno ka yihiin Wasiirka Deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maal-gashiga Somaliland, ayaa maanta kulan la yeeshay Odayaasha Dhaqanka ee deegaannada Xaaji Saalax iyo Laan-Mullaaxo oo ka tirsan gobolka Daad-madheedh, kulankaasoo ay labada dhinac iskula qaateen in wada-jir loo ilaaliyo nabadgelyada oo laga fogaado tallaabo kasta oo nabadgelyada wax yeellayn karta.

Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde oo hadal ka jeediyey kulankaas, ayaa sheegay inay dawladdu ku daba-jirto, isla markaan ay tallaabo adag ka qaadi doonto ciddii dilkaa geysatay iyo ciddii gacan ka geysatay-ba, waxaanu yidhi; “Marka hore waxaan Illaahay ka baryayaa inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo Marxuumkaa Sarkaalka Ciidanka Booliska Somaliland ka tirsan ahaa ee lagu dilay Laan-Mullaaxo.”

“Idinku maaddaama aad tihiin qoyskii dhibbanaha ahaa waxaan idinku waaninayaa reerkaa mushkiladdu u soo hoyatay inaydaan ka rogan dhibka ay qabaan, dawladda iyo dadkeeda soo gurmaday-ba way ku daba-jiraan, raadkoodii baa la goobayaa Reerkaas dhammaan iyagoon kala lahayn kii wax dilay iyo kii aan waxba ka ogeyn midna.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Waran-cadde oo la hadlayey qoyska uu ka dhashay Marxuumka la dilay.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare iyo Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga iyo Maal-gashiga Somaliland Bashiir Cabdi Xariir, oo iyaguna kulankaas ka hadlay, ayaa sheegay inay dawladda Somaliland aad iyo aad uga xuntay waxa dhacay, isla markaana Sarkaalka la dilay ka tirsanaa Ciidammada dawladda, gaar ahaan Booliska, sidaadaa daraaddeed, keliya aanu Sarkaalkaasi ka dhiman qoyska uu ka dhashay ee uu yahay Sarkaal ka baxay dawladda, dawladduna ay  waajibkeeda ka gudan doonto oo ay ku daba-jirto ciddii dilkaas geysatay.

Midka mid ah Odayaasha qoyska uu Marxuumku ka baxay, ayaa dhinacooda soo dhaweeyey gurmadka dawladda, isla markaana aqbalay soo jeedinta Masuuliyiinta dawladda oo uu ballan-qaaday inay ka war-sugi doonaan, waxaanu yidhi; “Dawladdayadii baad tihiin, waad soo gurmateen, si fiican baad noogu timaaddeen, hawlgal fiicanna waannu aragnaa oo socda, waxaannu sugaynaa oo u samraynaa intaad dhammaaanaysaan hawshaas aad waddaan.”

Masuuliyiinta Xukuumadda iyo Odayaasha Dhaqanka ee deegaannadaas, ayaa isku af-gartay ilaalinta nabadgelyada guud ee Qaranka, gaar ahaanna ta deegaannadaas. Waxaana sidoo kale, Deegaannadaas gaadhay Madax-dhaqmeed Salaaddiin iyo Cuqaal isugu jira, si ay xaaladda u dejiyaan, isla markaana la isaga jiro tallaabooyin aar-gudasho ama kuwa nabadgelyada wax u dhimi kara.

Allaah ha u naxariistee Taliyihii Saldhigga Booliska Degmada Xaaji Saalax ee gobolka Daad-madheedh Marxuum Hurre Sahal Ducaale, ayaa toddobaadkii hore ay Koox Dablay ahi u galeen Jid-gooyo Tuulada Laan-Mullaaxo oo gobolkaas ka tirsan, isla markaana ay Rasaas ku fureen Gaadhigii Marxuumka oo Rasaastaas u geeriyooday, taasoo dhaawac ka soo gaadhay Dhakhtar ay Marxuumka wada socdeen oo isaga dhinaca Cusbitaalka magaalada Burco loo qaaday isla habeenkiiba si halkaas loogu daweeyo.

Aftahannews.com

aftahaninc@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.