Diyaarado Basaasaya Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo Muqdisho laga hawl-geliyey

Muqdisho(Aftahannews):- Ammaanka magaalada Muqdisho oo muddo laba sano ah toddobaadyadii u dambeeyey si weyn u khalkhal-galay, ayaa markii ugu horreysay hawlgallada lagu adkaynayo nabadgelyada waxa lagu daray oo ka qayb-qaadanaya Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Millaterigu adeegsado, kuwaasoo la sheegay inay hab basaasnimo ah ku ogaan karaan dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab.

helicopter.11_.5_-620x3301

Ciidammada Midawga Afrika ka jooga dalka Soomaaliya ee AMISOM, gaar ahaan Caasimadda Muqdisho, ayaa bilaabay inay ammaanka magaaladaas xilliyada habeenkii roondo kasameeyaan dhinaca hawada magaalada Muqdisho, iyagoo howlgaladaan cusub ay qeyb ka yihiin dagaalka dhowaan ay sida wada-jirka ah ugu dhawaaqeen dawladda Soomaaliya iyo Ciidanka AMISOM inay ku qaadayaan Xarakada Al-Shabaab.

Hawada magaalada Muqdisho ayaa habeenkii waxaa dul-heehaabaya diyaarado nooc cusub ah, isla markaana ku shaqeynaya qaabka Basaasnimada ah ee lagu ogaanayo dhaqdhaqaaqyada Kooxda Al-Shabaab ka waddo gudaha magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Diyaaradahan oo ah nooc aad u yaryar, isla markaana ku shaqeeya Korontada, ayaa waxa hagaya Ciidammada AMISOM ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho, hase-yeeshee dadweynaha magaaladaas, ayaa walaac ka muujiyay guuxa diyaaradahan oo socda gabbal-dhaca illaa aroorta hore.

Dhaqdhaqaaqyada iyo feejignaanta ay muujinayaan Ciidammada dawladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, ayaa maalmahaan isa soo tarayay tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii ay Kooxda Al-Shabaab Jimcihii hore ku qaadday Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Aftahannews.com

aftahaninc@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.