Dawladaha Shiinaha iyo Jabuuti oo kala Saxeexday Heshiis Muhiim ah

Jabuuti(Aftahannews):- Dawladaha Jabuuti iyo China, ayaa kala sexeexday Heshiisyo kala duwan oo horumarineed, kuwaasoo ay ka mid yihiin tayeynta iyo tabobbaridda Ciidammada Jabuuti, saddex Dekedood oo Shiinuhu ka dhisayo dalkaas iyo dhismaha waddo isku-xidhi doonta Jabuuti iyo Itoobiya.

jabuuti

20142286352916358353953862014228635291451572614818chine-djibouti

Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Jabuuti Xasan Daraar Hufane, ayaa sheegay in xidhiidh Millateri ay la yeelanayaan dowladda Shiinaha, ka dib kulammo xidhiidh ah oo Masuuliyiin ka tirsan labada dal ay ku yeesheen magaalada Jabuuti.

“In badan ayaan u mahad-celinaynaa dowladda Shiinaha waqtiyada adag ee ay nala soo qaateen ,waxey naga caawin doonaan kor- u qaadidda mashaariic horumarineed oo dalka laga hirgalinayo  “ayuu yiri Hufane oo ka hadlayay xiriirka labada dowladood.

 Wasiirka Gaashaandhigga Shiinaha Chang Wanquan ayaa booqasho qaadatay laba maalmood ku yimi dalka Jabuuti, waxaanay kulammo gaar-gaar ah wada qaateen Madaxda dowladda ugu sarreysa oo uu ku jiro  Madaxweyne Ismaacil Cumar Geelle.

“Dowladdeena diyaar  ayey u tahay inaan Jabuuti ka taageerno tayaynta dhinaca Millatariga iyo waliba Ammaanka.” Sidaa ayuu isna yidhi Chang oo la hadlay Warbaahinta ka dib booqashadiisa,isagoo xusay in labada dal uu ka dhaxeeyo xidhiidh qota dheer.

 Heshiisyo ay labada dhinac si hor-dhac ah u gaadheen, ayaa waxaa ku jirta in Maraakiibta dowladda Shiinuhu ay adeegsan karaan Dekadaha dalka Jabuuti, iyaga oo fududaynaya tabobbarro gaar ah oo  ay siinayaan Ciidammada Millateriga Jabuuti.

 Sidoo kale, dowladda Shiinaha ayaa seddex Dekadood ka dhisaysa dalka Jabuuti iyo waddo dheer oo isku xidhi doonta Jabuuti iyo waddammada deriska la ah gaar ahaan Itoobiya si kor loogu qaado xidhiidhka ganacsi ee geeska Afrika.

Aftahannews.com

aftahaninc@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.