Madaxweynaha Ismaamulka Killalka 5-aad ee Itoobiya oo Isku-shaandhayn ku sameeyey Xukuumaddiisa

Jigjiga(Aftahannews):- Madaxweynaha Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Killalka Shanaad Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa isku-shaandhayn ku sameeyey Golaha Xukuumaddiisa iyo Masuuliyiinta laamaha ka duwan ee dawladda.

Madaxweynaha Killalka Shanaad Cabdi M Cumar

Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Killalka Shanaad ee dalka Itoobiya, ayaa isku-shaandhaynta sameeyey caawa Golaha Wasiirrada iyo Maareeyayaashii Xafiisyada Heer Deegaan, ka dib makii ay isla caawa Shir isugu yimaaddeen Golaha Wasiirrada Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, shirkaas oo uu guddoominayey Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar.

Sidaa waxa lagu sheegay qoraal dheer oo ka soobaxay caawa Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Killalka Shanaad ee magaalada Jigjiga. War-Saxaafadedkaas oo nuqul ka mid ah Shabakadda wararka ee Aftahannews heshay, ayaa u dhignaa sidan:-

“1-C/risaaq saxane oo hore u ahaa Mayorka Maamulka Magaalada Jigjiga wuxuu noqday Komishineerka Booliska DDSI

2-C/wahaab Rashiid oo ahaa Maareeyaha Horumarinta Wabiyada iyo Dooxooyinka wuxuu noqday Maareeyaha Kuliyada Cabdulmajiid(TTC)

3-Cabdi Xuseen(Sonkor) oo ahaa Gudoomiyaha Gobolka Shabeele Wuxuu noqday wasiirka Cadaalada 4-Guleed Aw Cali oo ahaa Maareeyaha Xafiiska Naqshada iyo Dabagalka Biyaha wuxuu noqday kuxigeenka Beeraha

 5-Yaasiin Cumar oo ahaa kuxigeenka Dakhliga kuxigeenka Beeraha

6-Maxamed Cabdi Xasan(Dhoodhe) oo Hore u ahaan jiray Gudoomiyaha Degmada wardheer wuxuu noqday kuxigeenka Hogaanka N/galyada iyo Cadaalada

7-Cumar Siyaad oo ahaa Wasiirka Dakhliga wuxuu noqday Maareeyaha Wakaalada Naqshada iyo Dabagalka Biyaha

8-Maxamed Cabdi Mawsar oo ahaa Gudoomiyaha Gobolka Nogob wuxuu Noqday Gudiga Dabagalka Xafiiska Madaxwaynaha

9-Cabdi Geedi oo ahaa Gud Deg Jigjiga wuxuu noqday maareeyaha Wakaalada Dakhliga

10-C/casiis maxamed cumar oo ahaa madaxa Maaliyada deg raaso wuxuu noqday kuxigeenka Dakhliga

11-c/fataax sheekh cali caafi oo ahaa madaxa dabagalka Xafiiska maamulka wuxuu noqday kuxigeenka Dakhliga

12-Mudane Wacay xasan oo ahaa Hormuudka Kuliyada TTC waxaa loo bedelay kuxigeenka TTC Qaybta Academic

13-ilyaas abiib oo ahaa kuxigeenka hormuudka TTC wuxuu noqday kuxigeenka TTC Dhinaca mmaamulka Maaliyada

14-maxamed Ibraahin C/laahi Dabagalka Maamulka kuxigeenka N/galyada iyo Cadaalada

15-Guleed Muxumed hore u ahaa kuxigeenka waxbarashada kuxigeenka wakaalada Dhismaha arimaha biyaha

16- axmed maxamed shukri lataliyaha madaxa arimaha xidhiidhka dadwaynaha kuxigeenka waxabarashada

17-Bashiir axmeed aadan waxaa la geeyay Madaxa Horumarinta Wabiyada iyo Dooxooyinka

18-Irshaad Cali Nuur agaasinka Wakaalada cabashooyinka kuxigeenka cadaalada

19-Inj.Subeer C/lahi axmed Proces owner maamulka madaxa Wakaalada Iibka iyo Dhismaha Adeega Gaarka ah

20-amiin Daahir Dabagalka Maamulka lataliyaha wakaalada Warbaahinta

21-c/kuus c/laahi saleebaan kuxigeenka lataliyaha madaxwaynaha Xidhiidhka dadwaynaha

22-cali ugaas cabdi kuxigeenka wakaalada dakhliga wuxuu noqday kuxigeenka iskaashatooyinka

23-faarax jaamaca oo hore u haan jiray gudoomiyaha afdher waxaa loo badalay ku xigeenka xafiiska xidhiidhka arimaha dawlada dhaqanka iyo dalxiiska

24- c/risaaq dayib hor xafiiska xeer ilaalinta iyo cadaalda waxaa loo badalay ku xigeenka wakaalda ilaalinta deegaanka macdanta iyo tamarta

Gobolada:-                                                               

1-Maxamuud xaaji cumar oo ahaa Gud Deg Iimay Galbeed wuxuunoqday gudoomiyaha Gobolka shabeele

2-Maxamed axmed Badhcun oo ahaa Gud Deg dh/buur wuxuu noqday Gud Gobolka Afdheer

3-cabdi Cali Mataan(Cabdi ganay) oo ahaa Gud Deg awaare wuxuu noqday Gudoomiyaha Gobolka Nogob.”

Aftahannews.com

aftahaninc@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.