Barcelona Iyo RealMadrid: Xasuuqa Aamuska Iyo Tamashlayntii Taageerayaasha

Saddex gool oo ay kala dhaliyeen Luis Suarez, Aleix Vidal iyo Lionel Mesi ayaa Barcelona ka saaciday inay guul muhiim ah ka gaadhaan dhigooda Real Madrid kulanka El-Clasico, waxaana la fahamsan yahay in Los Blancos ay rejadeeda horyaalka La Liga quus joogto maadama ay 14-dhibcood ka hooseeyaan kooxda hogaaminaysa ee Balaugrana iyagoo kulan gacanta ku haysta.

Lionel Messi wuxuu dhaliyay goolkiisii 25-aad ee kulanka El-Clasico, sidoo kale goolkiisii 15-aad ee Santiago Bernabeu dhamaan tartamada oo dhan iyo goolkiisii 17-aad ee horyaalka La Liga kulanka El-Clasico markii uu dhamaystiray rikoodhe lagu abaalmariyay.

Real Madrid qeybihii ugu dambeeyay ciyaarta waxay ku ciyaaraysay 10-xiddig maadaama laga saaray kulanka Dani Carvajal oo kubad goolka u socota gacanta ku badbaadiyay.

Khadar Jamac Dirir (Khadar Jacayl)