Dagaal Dhimasho Iyo Dhaawac Sababay Oo Ka Dhacay Deegaan Ka Tirsan Gobolka Sool

Hargeysa, (Aftahannews)-Ugu yaraan 5 qof oo dhinacyadii dagaallamayay ka tirsan ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhinteen, tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen dagaal saaka barqadii ka qarxay deegaan ka tirsan gobolka Sool.

Dagaalkan oo ka dhacay Xoorre oo u dhow degmada Burtinle ee gobolka Nugaal ayaa salka ku haya deegaan iyo aano qabiil.

Wararku waxay sheegayaan in hub culus oo tikniko ah ay labada dhinac isu adeegsadeen.

Khasaaraha dagaalka ka dhashay, kaasoo u dhaxeeya laba beelood, ayey dad goob joogeyaal ahi sheegayaan inuu aad u weyn yahay.

Dad xoolo dhaqato ah ayaa BBC u sheegay in ay xoolahooda iyo ayagaba ka soo carareen deegaanka uu dagaalku ka socdo.Waxaa kale oo jira warar sheegaya in dad rayid ah ay halkaa ka barakaceen. Maalmo ka hor ayuu dagaal labada dhinac dhex maray galaaftay nolosha ilaa 10 qof.

Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa maalintii saddexaad u jooga degmada Burtinle sidii loo soo afjari lahaa dagaalka.

Xigasho BBC