“Ha Fogaanin Bahasha Waa La Iska Soo Noq-noqdaa……..”Wasiir Xasan Gaafaadhi  

Hargeysa, (Aftahannews)-Xasan Gaafaadhi oo ah afhayeenka xisbiga KULMIYE Haddana ka tirsan Golaha Wasiirada xukuumadda Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ayaa munaasibadii xil wareejinta ee Wasaaradda Biyaha Somaliland waxa uu si dadban u shaaciyay in Madaxwayne Kornayl Muuse Biixi dib u soo celinayo wasiiradii Boobka gaystay ee Xukuumadii Madaxwayne Siilaanyo,waxaana hadalkaa wasiirkii hore ee Biyaha Xuseen Cabdi Boos ku adkeeyey inaanu fogaan dibna uu u soo noqon doono.