Maxkamad Xukun Dheer Ku Xukuntahay Nin Weerar U Geystay Raheem Sterling

 Maxkamad ku taal Magaalada Manchester ayaa danbi ku heshay Karl Anderson oo 29 Sano jir ah kaas oo dhawaan Midabkiisa ku caayay xiddiga kooxda Manchester City Raheem Sterling.

Alford Magistrates’ Court ayaa Maanta soo gaba gabeysey dacawadii loo haystey Karl Anderson,kaas oo lasheegay in uu u hanjabay Xiddiga Manchester City isaga oo u sheegay in uu dili doono Hooyadii iyo Walaashiis sidoo kalana waxa uu ku caayey midabkii xili uu ku soo wajahnaa Tababarka kooxdiisa ka hor kulankii Tottenham ay 4-1 kaga badiyeen.

Karl Anderson,oo Caan ku ah rabshadaha kubada Cagta ayaa ugu danbayn lagu xukumay Xabsi gaadhaya 16 bilood iyada oo sidoo kale Ninkan lagu xukumay in uu bixi Ganaax lacageed oo aad u fara badan.

Khadar Jamac Dirir