Kooxaha Barcelona Iyo Atletico Madrid Oo Dacwado Iska Gudbiyay

Atletico Madrid ayaa dacwad ka dhan ah kooxda Barcelona u gudbisay xidhiidhka kubadda cagta adduunka ee Fifa, taas oo ku wajahan xod-xodasho sharciga baal marsan oo ay ku wadaan weeraryahan Antoine Griezmann.

26 jirkan, xulka Faransiiska, ayaa qandaraas cusub u saxeexay kooxda bilowgii sanadkan, kaas oo naadiga ku haynaya ilaa dhamaadka xili ciyaareedka 2021-22. Griezmann ayay si aad ah u doonayaan helitaankiisa, kooxo badan oo ay kamid tahay kooxda Manchester United.

Si kastaba aha ahaatee, waxay ogaatay saxaafadu, in cabashada Atletico Madrid ay ku kooban tahay kaliya Barcelona, oo ay kaga cawdeen, inay xidhiidh la samaysay qaar kamid ah dadka ugu dhaw ciyaaryahan Griezmann, oo ay kamid yihiin qoyskiisa. Waxaanay kooxdan reer Spain sheegtay in talaabooyinkaasi ay yihiin kuwo jabinaya xeerarka FIFA ee kooxaha.

Af-hayeen FIFA u hadlayna, wuxuu ku gaabsaday inay xaqiiq tahay oo ay soo gaadhay dacwada Atletico Madri, waxaanu yidhi: “Waxaan idiin xaqiijin karaa inay na soo gaadhay cabashada Atletico Madrid.”

Khadar Jamac Dirir