Waa Sidee Xaalada Magaalada Sanca Kadib Dilkii Cali Cabdalle Saalax?

Sanca,(Aftahannews)-Todobaadyo kadib markii la dilay madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalle Saalax ayaa waxaa magaalada Sanca tagtay wariye BBC-da ka tirsan oo lagu magacaabo Nawaal Al Makhafi, waxayna qoraalkan kaga sheekeynaysaa wixii ay la kulantay.

Safarka dhulka ee u dhaxeeya magaalada Cadan oo ay dowladda ka taliso iyo Sancaa oo ay falaagada Xuutiyiinta ka taliyaan ayaa waxa uu caadi ahaan qaataa muddo 6 saacadood ah, balse hadda waxa uu kugu qaadanayaan wax ka badan labo jeer saacadahaas.

Marka loo talaabo waqooyiga Yemen waxaad u galaysaa dhul ay Xuutiyiinta oo kaliya ka taliyaan.

Meelaha jidgooyooyinka ah markii hore waxaa ku dhegenaan jiray sawirada madaxweynihii hore Cali Cabdalle Saalax iyo hoggaamiyaha Xuutiyiinta Cabdimaalik Al Xuuti, balse hadda waxaa kaliya ku dhegan sawirka qofka dambe.

Maxay soo kordhin kartaa xayiraada lagu soo rogay Yemen

Marka Sanca lasii galayo baaDHitaanka waa mid adag, balse waxaaba kasii daran marka laga baxayo, waxaa lagu micneeyay in Xuutiyiinta ay raadinayaan dadka taabacsan Cali Cabdalle Saalax ee magaalada ka baxsanaya.

Xuutiyiinta magaalada waxa ay ka jareen dhammaan isgaadhsiintii oo dhan, gaar ahaan khadka internetka.

Dhismayaasha inta badan haddii ay dukaamo ahaan lahaayeen, iskuulaad ama guryo caadi ah waxaa ka muuqata rasaas iyo burbur, sababtuna tahay shanti maalmood ee uu dagaalka dhexmarayay ciidammadda Cali Cabdalle Saalax iyo kuwa Xuutiyiinta. Iyo waliba duqeyntii cirka ee xulufada Sucuudiga.

Sida ay sheegtay hay’adda laanqeerta cas ee caalamiga ah, 234 qof ayaa ku dhimatay dagaalka, 400 kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Dagaalka ka dhexdhashay falaagada waxa uu biloowday 29-kii November, kadib markii maleeshiyaadka Xuutiyiinta ay weerareen masaajidka Salax, kaas oo ah kan ugu weyn Yemen, kuna dileen afar ka mid ah illaalada madaxweynihii hore.

Labo maalmood kadib, Cali Cabdalle Saalax waraysi uu bixiyay ayuu ku shaaciyay in uu soo afjaray heshiis aan cago badan ku taagnayn oo u dhaxeeyay isaga iyo Xuutiyiinta.

 

Wuxuu sheegay in uu doonayo in uu wada xaajood la galo xulufada Sucuudiga.

Isbahaysiga Sucuudiga iyo dowladda la aqoonsanyahay ee Yemen ayaa soo dhaweeyay hadalka Cali, waxaana loo arkay in uu xalka ku jiro in Xuutiyiinta banaanka looga saaro caasimadda si xal loo gaadho.

Balse markii uu dagaal ka dhex qarxay ciidamada Saalax iyo kuwa xuutiyiinta, halkaasna lagu dilay Cali Cabdalle Saalax ayay rajadii oo dhan burburtay, Sancana noqotay magaalo aad u kala qeybsan si aanan waligeed la arag.

Kumanaan dad ah oo Xuutiyiinta taageersan ayaa isugu soo baxay waddooyinka, iyaga oo u dabaaldegaya geerida Saalax.

Masaajidkii Saalax xitaa magaca waa laga badalay, darbiyadiisana waxaa ku xardhan hal ku dhegyo sida “Alle ayaa weyn, Amerika ha dhimato, Israa’iil ha dhimato, Nacalad haku dhacdo Yuhuuda, Islaamkana ha guuleysto”.

Guryaha illaa 500 oo xubnood oo ka tirsan xisbigii Cali Cabdalle Saalax ayaa guryahooda loo dhacay, waxaana la xidhdhay dadkii ku sugnaa, sidoo kale waxaa la xidhay wax ka badan 40 wariyeyaal ah.