Murrashaxa Madaxweynaha Kulmiye oo Kulan la yeeshay Wefti uu Hoggaaminayo Safiir Jarmal ahi

MUUSE BIIXI IYO WEFTI JARMALKA KA SOCDA OO KULAN KU YEESHAY HARGEYSA 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socda dowladda Jarmalka oo uu hoggaaminayo safiirka dalkaasi u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Markus Bollmohr, isla markaana uu qayb ka yahay u qaabilsanaha xafiiska siyaasadda iyo ammaanka caalamka Mr. Peter Finger.

MUUSE BIIXI IYO WEFTI JARMALKA KA SOCDA OO KULAN KU YEESHAY HARGEYSA 2017

Sidaa waxa lagu sheegay War Qoraal ah oo Xafiiska Warbaahinta u qaabbilsan Xisbiga Kulmiye ka soo baxay caawa, kaas oo isla caawa Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta Aftahannews.com, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Murrashaxa KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay kulanka ku wehelinayeen Afhayeenka Xisbiga KULMIYE Md. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir iyo Maayarka Caasimada Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), waxay weftiga Jarmalka ka wadahadaleen qiimaha ay Somaliland iyo caalamka ugu fadhido doorashadii Madaxtooyada ee ka qabsoomay dalka Somaliland toddobaadkii hore.

Safiirka dowladda Jarmalka Amb. Markus Bollmohr, ayaa isna tilmaamay sida ay beesha caalamku ula dhacsan tahay doorashadii ka dhacday Jamhuuriyadda Somaliland, waxaannu sheegay inay habboon tahay inay xisbiyada Somaliland ku wadaqancaan natiijada doorashada, haddii ay cabashooyin jiraana ay xisbiyadu u maraan nidaamka sharciga ah.

Waxa kaloo Amb. Markus Bollmohr hoosta ka xariiqay in dowladdiisa Jarmalku diyaar u tahay inay Jamhuuriyadda Somaliland kala shaqayso horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan waddooyinka iyo arrimaha la halmaala.

Ugu dambayntii, Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu weftiga uga mahadceliyay wadashaqaynta dawladda Jarmalku la leedahay Jamhuuriyadda Somaliland.” Sidaa ayaa lagu yidhi Qoraalka Kulmiye naga soog aadhay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.