Xisbiga Waddani oo Qaaddacay doorashadii Madaxtooyada iyo Cirro oo Si Adag uga hadlay Xaaladda

Breaking_news-5

Hargeysa(Aftahannews):- Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi  (Cirro), ayaa Caawa shaaca ka qaaday inay Xisbi ahaan qaaddeceen guud ahaan doorashadii Madaxtooyada ee Somaliland ka qabsoontay 13-kii bishan aynu ku jirno ee natiijadeeda Guddiga doorashada laga sugayo, ka dib markii uu sheegay in cabashooyinkoodii waxba laga qaban waayey.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Musharrax Cabdiraxmaan-Cirro, waxa uu sheegay in doorashada Madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay Xisbiga talada haya ee Kulmiye ku shubtay, oo aanay ahayn doorasho xor oo xalaal ah, isla markaana ay soo baxeen Sanaadduuq Codadkii laga rabay kuwo ka badani ka soo baxeen. Sidoo kale ay Codeeyeen Carruur da’dii codaynta aan gaadhsin, Dad dhintayna Kaadhadhkoodii lagu codeeyey, lana adeegsaday Guddiga doorashooyinka laftooda, welina ay jiraan Sanaadduuq madmadaw badani ku jiro oo ay Guddiga doorashooyinku diideen in la baadho, Xisbiga Kulmiye iyo Xisbiga Kulmiye waxa uu uga digay abuurka dhibaatooyin uu tilmaamay inay faraha kula jiraan wakhtigan.

Sidaa daraaddeedna Cirro waxa uu sheegay inay Xisbi ahaan qaaddeceen doorashada iyo natiijadeeda la sugayo oo aanu weli Xisbiga Waddani saxeexin-ba natiijada hordhaca ah ee Guddiga doorashadu la filayo inay Berri soo saaraan haddii Illaahay idmo. Waxa la sheegay inuu Maxkamadda sare ee Dastuuriga ah ee Somaliland u gudbin doono Dacwaddiisa. Waxaanu Taageerayaasha Waddani ugu baaqay inay is-dejiyaan oo aanay wax rabashad ah ama nabadgelyo-darro ah ku kicin. Waxa uu Xukuumadda ugu baaqay in la sii daayo xorriyaddooda loo soo celiyo Taageerayaal Xisbiga Waddani laga xidhay iyo weliba Masuuliyiin Waddani ka tirsanaa oo iyaguna xidhan sida uu Cirro sheegay.

Hadalka uu ka Jeediyey Cabdiraxmaan-Cirro Shirkiisa Jaraa’id ee uu kaga hadlay Qaaddacaadda ay Xisbi ahaan Caawa shaaciyeen ee doorashada iyo qodobbada uu u cuskaday qaaddacaaddiisa, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.