“Haddii Somaliland markii hore aad iska wadateen, Maanta Harti idinkama oggola Dhib & Buuq..” Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo Baaq Diray

GARAAD JAAMAC GARAAD ISMAACIIL DUCAALE 2017 OO LA HADLAY GUDDIGA DOORASHADA IYO MUSHARRIXIINTA 2017

Laascaanood(Aftahannews):- Garaadka Beelaha Dhulbahante Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, ayaa Baaq u diray Guddiga doorashooyinka Somaliland, Madaxda Saddexda Xisbi ee doorashada Madaxtooyada ku tartamay iyo Qaybaha Bulshada-ba, waxaanu u soo jeediyey in nabadgelyada la wada dhawro, Rabashna aan la samayn, isaga oo sheegay inaanay Beesha dhexe ee Somalialnd ka aqbali doonin in dhibaato dalka ka dhacdo ama ay is-qabsadaan.

GARAAD JAAMAC GARAAD ISMAACIIL DUCAALE 2017 OO LA HADLAY GUDDIGA DOORASHADA IYO MUSHARRIXIINTA 2017

Garaadku waxa uu Guddiga doorashooyinka ugu baaqay inay dhawraan dhex-dhexaadnimada, Cadaaladda iyo Dhaartii ay Mareen, isla markaana natiijo aan cid loogu eexanayn oo sax ah soo saaraan, Xisbi walbana qanciyaan. Xisbiyadana waxa uu ugu baaqay in Musharrixiinta ka helaa Hambalyeeyaan labada kale ka uu doono Saddexdoodaba ha noqdeen.

Waxaannu Shir Jaraa’id oo uu Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale uu Maanta ku qabtay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo uu sidoo kale Tacsi ugu diray Dadka ku dhintay Rabshadaha Hargeysa iyo Burco ka dhacay xalay, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.