Musharraxa Jagada Madaxweyne Ku-xigeenka UCID loo doortay Muxuu ka yidhi Saamaynta Siyaasadeed ee Kursigiisu ku leeyey Somaliland?

MUSHARRAXA MADAXWEYNE KU-XIGEENKA XISBIGA UCID AXMED CABDI EBYAN 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Musharraxa Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID loo doortay Maanta Prof: Axmed Cabdi Ebyan oo hadal ka jeediyey Shirkii Golaha dhexe ee Xisbiga UCID oo lagu qabtay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay doorashadiisu ka dhigan tahay Somaliland oo midawday, isla markaana saamayn siyaasadeed ku yeelan doonto gobolka uu dhalasho ahaan ka soo jeedo.

MUSHARRAXA MADAXWEYNE KU-XIGEENKA XISBIGA UCID AXMED CABDI EBYAN 2017

 

Prof: Axmed Cabdi Ebyan, waxa uu u mahad-celiyey Xisbiga UCID iyo Hoggaamiyihiisa Faysal Cali Waraabe, waxaanu yidhi; “Waxaan u mahad-naqayaa kalsoonida uu isiiyey UCID iyo Guddoomiyeheedu iyo doorashada ay Musharraxa Madaxweyne Ku-xigeenka ii doorteen, waan uga mahad-naqayaa, waxa kale oo aan u mahad-naqayaa dhammaan Hawl-wadeennada Xisbiga UCID oo iyaguna fikirkaas la qaatay.”

“Musharraxnimadaydu waxay ka turjumaysaa dhammaystirka midnimada iyo wax wada lahaanshaha Somaliland Bari illaa Galbeed, waxa ku dhiirraday Guddoomiye Faysal oo wakhti badan ku bixiyey hawlihii nabadaynta, gaar ahaan gobolkaan Anigu ka soo jeedo (Sool), arrintaasna taariikhdu way ku xusi doontaa Faysal, ummadina waxay horumar ku gaadhaa midnimo.” Sidaa ayuu yidhi Musharraxa Madaxweyne Ku-xigeenka UCID.

Qaybaha kale Khudbadaha ay gebo-gabadii Shirkaas lagu doortay Musharraxa ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha Ku-meel-gaadhka ah ee Xisbigaas iyo weliba Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad iyo Hadalladooda-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.