Raysal-Wasaaraha Soomaaliya oo Khudbad Loo Bogay Ka Jeediyey Golaha Qaramada Midoobay, Cuna-qabataynta Hubkana Ka Hadlay

RAYSAL-WASAARAHA SOOMAALIYA OO FADHIGA GUUD EE GOLAHA QARAMADA MIDOOBAY KHUDBAD KA JEEDIYEY 23 SEPTEMBER 2017

New York(Aftahannews):- Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo khudbad ka jeediyay Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay Fadhigoodii Xalay ee Xarunta New York, ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay guulo muhiim ah ka gaadhay dagaalka ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab, hase-ahaatee, ay Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya saarani caqabad ku tahay la-dagaallanka Argaggixisada.

RAYSAL-WASAARAHA SOOMAALIYA OO FADHIGA GUUD EE GOLAHA QARAMADA MIDOOBAY KHUDBAD KA JEEDIYEY 23 SEPTEMBER 2017

Waxa uu Raysal-wasaare Khayre sheegay in Argaggixisadu ay weli tahay mid ka mid ah caqabadaha cakiran ee haysta dalkiisa, iyadoo cawaaqibka ka dhashayna laga dareemay Caalamka oo dhan. Waxa uu Xasan Cali Khayre intaas ku daray inay muhiim tahay in la mideeyo dedaallada ku aaddan sidii looga hortegi lahaa aafada amni-darrada iyo halista Al-Shabaab.

“Dedaal kasta oo aan ku dhimayno koboca iyo galaangalka Ururrrada Argaggixisada Caalamiga ah; sida ISIS iyo Al-qaacida, kuwaas oo aan ognahay inay saameyn ku leeyihiin Argaggixisada gudaha ee Al-Shabaab.” Sidaa ayuu yidhi Raysal-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Waxa uu Raysal-Wasaaraha oo hadalkiisa sii watay intaas ku daray oo yidhi; “Waa in la labanlaabaa dedaallada lagu sameynayo faragelinta ka dhanka ah Kooxaha Al-Shabaab  iyo kuwa la midka ah oo kale.” Waxa uu Raysal-wasaaraha Soomaaliya sheegay inay Xukuumaddiisu gaadhay guulo lagu wiiqay awooddii Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Raysal-wasaare Khayre oo ka hadlaya hour-socoshada uu sheegay ee dawladda Soomaaliya samaysay, waxa uu yidhi; “Soomaaliya hore ayay u socotaa, waxaana naga go’an in aan sidas ku sii sconno, hadafkayaguna waa in aan ka qeyb-qaadanno horumarinta gobolka Qaaradda iyo Caalamka-ba, inkasta oo ay jiraan marxalado adag haddana waxaan horumar la taaban karo ka gaadhnay Ammaanka, soo celinta Sharcia iyo kala danbaynta iyo sal u dhigida Siyaasadda iyo Dawladnimada Soomaaliya.”

“Argagiixsada ayaa kow ka ah caqabadaha aan wajahayno, taas oo saamaynaysa guud ahaanba Caalamka, loona baahanyahay in si wada-jir ah looga hortago. Haddii aan nahay dowladda Soomaaliya waxaan guulo waaweyn ka gaadhnay la-dagaallanka kooxda Al-shabaab oo aan ku wiiqnay awoodda kooxdaasi. Balse, Caqabadda na hortaagani waa Cunaqabataynta Hubka ee Soomaaliya saaran, taasoo ay tahay immika in Soomaaliya laga qaado oo aan codsanayno.” Sidaa ayuu yidhi Raysal-wasaaruhu, waxaanu mahad-celiyey Ciidammada Qalabka sida ee Soomaaliya iyo Kuwa AMISOM oo uu sheegay inaan la’aantood la gaadheen guulaha lagu wiiqay Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Mar uu Raysal-wasaaruhu ka hadlayey Dhalinyarada iyo Saamaynta ay Argaggixisadu ku leedahay, waxa uu yidhi; “Faqriga waxbarasho la’aanta iyo nolosha adag ayaa ah kuwo sii kordhinaya dhibaatooyinka iyo ficilada argagixida aduunka oo dhan, dhalinyarada oo aan loo helin fursado shaqo iyo waxbarasho ayaa sii badinaya ku biiristooda kooxaha danbiilayaashaa oo ay argagixisadu ka mid tahay.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.