Hargeysa: Komishanka oo Qabtay Kulan lagaga Dooday Anshaxa Saxaafaddu u gudbin doonto Wararka Xisbiyada Wakhtiga doorashada Madaxtooyada

GUDDIGA DOORASHOOYINKA SOMALILAND OO SAXAAFADDA U QABTAY KULAN LAGAGA DOODAY ANSHAXA WARARKA DOORASHADA 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Guddiga doorashooyinka Somaliland, ayaa maanta Hargeysa ku qabtay kulan lagaga doodayo Anshaxa Warbaahintu ku baahin doonto ama u gudbin doonto Wararka Xisbiyada UCID, Waddani iyo Kulmiye wakhtiga Ololaha iyo xilliga doorashada Madaxtooyada ee u muddaysan 13-ka 11-aad 2017.

GUDDIGA DOORASHOOYINKA SOMALILAND OO SAXAAFADDA U QABTAY KULAN LAGAGA DOODAY ANSHAXA WARARKA DOORASHADA 2017

 

Kulankaas oo Guddiga doorashooyinku ku qabteen Huteel Guuleed ee magaalada Hargeysa, waxaa ka qaybgalay, Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta, Masuuliyiinta, Tifaftirayaasha iyo Weriyeyaal ka hawlgala Hay’adaha Warbaahineed ee Madaxa-bannaan iyo kuwa Dawliga ah ee Somaliland ka hawlgala, Masuuliyiinta Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA, Xubnaha Guddiga doorashooyinka, Guddiga anshaxa doorashada, Khabiirro iyo Masuuliyiinta Dawladda iyo Xisbiyada qaarkood.

Warbixinta Warka Kulankaas oo Faahfaahsan waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.