Bannaanbaxyo Xukuumadda Siilaanyo ka dhan ah oo Gilgilay Laascaanood & Caynabo iyo Jabhad Hubaysan oo Is-Abaabushay

JABHAD HUBAYSAN OO ISKU ABAABULAY DULEEDKA MAGAALADA LAASCAANOOD 2017

Laascaanood/Caynabo (Aftahannews):- Magaalooyinka Laascaanood iyo Caynabo ee gobollada Sool iyo Saraar, ayaa qaar ka tirsan Dadweynaha ku dhaqani shalay sameeyeen Bannaanbaxyo kala duwan oo kala ujeeddo ah, isla markaana ka dhan ah Xukuumadda talada haysa ee Madaxweyne Siilaanyo iyo Masuuliyiinta gobolladaas u qaabbilsan Xukuumadda.

JABHAD HUBAYSAN OO ISKU ABAABULAY DULEEDKA MAGAALADA LAASCAANOOD 2017

Muddaharaadka ka dhacay magaalada Laascaanood, ayey sameeyeen inta badan Dadka ka ganacsada Qaadka ama Jaadka oo ay Ciidammada Ammaanku Dorraad kula wareegeen Garoonka diyaaradaha Laascaanood oo laga soo dejiyo Jaadka, ka dib markii Cashuur lagu kordhiyey ay diideen inay bixiyaan Ganacsatada Qaadku, iyaga oo ku cawday inaanay qaadi karin oo Cashuurta Jaadka ee ay bixiyaan markii horeba ku badnayd.

Maalintii labaad, ayaa Shalay magaalada Laascaanood waxa ka socday kacdoon ay samaynayaan Dadka ka ganacsada Qaadka ama Jaadka kadib markii qiimaha Cashuurta kor loo qaaday. Qaar ka mid ah Hawlwadeennada Shirkadda Jaadka ee Jabuutiwaawi oo ku hubaysan Qoryaha dagaalka, ayaa isugu baxay duleedka magaalada Laascaanood, kuwaas oo sheegay in ay dagaal ka xigaan kordhinta Cashuurta Jaadka lagu soo rogay.

Maxamed Cabdillaahi oo ka mid ahaa kuwii Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in ay Cashuurtu awel ku badnayd, isla markaana aanay qaadi karin mid intaas ka badan. Hase-yeeshee, iyadoo ay taasi jirto ayey Haweenka Qaadka ku iibiya magaalada Laascaanood iyo Dad kale Isniintii shalay isugu soo baxeen magaalada Laascaanood, isla markaana waxay bannaan-baxooda ku muujiyeen in ay ka soo horjeedaan Cashuurta lagu kordhiyey Jaadka la keeno Laascaanood.

Qaar ka mid ah Odayaasha iyo Waxgaradka Laascaanood, ayaa wada dedaallo ay doonayaan in ay xiisaddaas Cashuurta Jaadka lagu kordhiyey ka taagan demiyaan ama soo afjaraan ama dejiyaan, balse illaa hadda xal muuqda oo ay ku guulaysteen may shaacinnin. Waxaana la sheegay in Axaddii Hargeysa wakhti kooban lagu xidhay Mulkiilaha Shirkadda Jaadka keenta Laascaanood ee Jabuutaawi, balse waxa la sheegay in wakhti kooban ka dib la sii daayey.

Inkasta oo aannu isku daynay Wasaaradda Maaliyadda iyo Hay’adaha Ammaanka Somaliland qaabbilsan, inaannu wax ka weydiinno Cashuurtaas lagu kordhiyey Jaadka iyo Kacdoonka ka dhashay, haddana noomay suuragelin inaannu Wax war ah dhinacooda ka helno.

Geesta kale, Muddaharaad ka dhan ah Maamulka gobolka Saraar, ayey Dadweyne Danyar u badani shalay ka sameeyeen magaalada Caynabo ee Xarunta gobolkaas, isla markaana waxay sheegeen Dadka isu soo baxay inay ka soo horjeedaan Xildhibaanno Maayer Ku-xigeenkii magaaladaasi ku jiro oo Xidhan tan iyo Sabtidii toddobaadkan, isla markaana Axaddii dorraad Maxkamadda gobol-degmo ee magaalada Caynabo la hor-geeyey, iyaga oo lagu eedeeyey inay dagaal gacan-ka-hadal ah kula kaceen Maayerka Caynabo, sida uu ku dooday Badhasaab Ku-xigeenka gobolka Saraar Nuur Qaasim Qodax.

Mid ka mid ah Dadka Bannaanbaxayey oo ka mid ahaa Xubno Dadkaas ka tirsan oo Warbaahintu wax ka weydiisay waxa ay ka bannaanbaxayaan, waxa uu yidhi; “Waxaannu ka cabanaynaa oo aannu Bannaan-baxan dareenkayaga ku muujinaynaa Dulmiga joogtada ah ee maalin walba ku soo noqnoqonaya Caynaba, ee lagu xidhxidhay Xildhibaannadii iyo Maayer Ku-xigeenkii u hadlayey Dadka Barakacayaasha ah ee Caawimada loo keenaba la musuqayo. Waxaannu Wasaaradda arrimaha gudaha, Xukuumadda kale iyo Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqaynaa inuu dhibaatan wax ka qabto.”

“Dhibta haysata Dadka Barakacayaasha ah ee Caynabo ee Reer Saraareed, waa Suuqa madoow, maalin walba suuq madoow baa taagan, haddii Toban Neef oo Adhi ah loo keeno waxa la geynayaa Suuqa Madoow, haddii loo keeno Caawimo kale waa suuq madoow, Nin waliba wuxuu qorayaa oo siinayaa, Inankiisa, Inantiisa iyo Ciddiisa, cidda waxaa samaynaysaana waa Maamulka gobolka, waa Maamulka.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah Odayaasha Dadka Barakacayaasha ah ee Bannaanbaxa shalay ka sameeyey Caynabo oo Saxaafadda la hadlay.

Dad kale oo halkaas ka hadlay oo Rag iyo Haween isugu jiray, ayaa sheegay in qaarkood Lixlix bilood Barakac ku ahaayeen Caynabo, isla markaana aan lixdaa biloodba wax la siiyey ama la gaadhsiiyey aanay jirin, Caawimo baaqataana jirin ee Maalin walba Caawimo la gaadhsiiyo Caynabo, balse ay la wareegaan Maamulka iyo Kooxo ay isku shaqaystaan, cidda dhibaatada waddaana ay tahay Maayerka Magaalada Axmed-qani iyo Badhasaab Ku-xigeenka gobolka Saraar Nuur Qaasim Qodax. Waxaanay Xukuumadda ugu baaqeen inay dhibaatadooda u gurmato Barakacayaal ahaan oo ay wax ka qabato Cabashada ay ka qabaan Maamulka gobolka Saraar iyo degmada Caynabo.

Hase-yeeshee, Badhasaab Ku-xigeenka gobolkaas Nuur Qaasim Qodax iyo Maayerka Magaalada Caynabo Axmed-qani Cabdi Xaaji Yuusuf oo ay Warbaahintu wax ka weydiisay eedaymaha Musuqmaasuq iyo cadaalad-darrada la xidhiidha ee ay Dadka Barakacayaasha ahi u jeediyeen waxa ka jira, ayaa sheegay inay iyagu Guddoomaan wixii Caawimo ah ee la geeyo deegaanka, isla markaana ay Dadka Barakacayaasha ahi ku jiraan laba Kaam oo ay Masuuliyiin madax ka ah labadaas Kaam ku wareejiyaan waxa la gaadhsiiyo,

“Baahida gobolka taallaa waa baahi badan, marka hore Annagu Maamul ahaan waxa Hay’aduhu keenaan annagaa guddoonna, markaannu guddoonnana waxa jira laba Kaam oo Barakacayaashu ku jiraan, waxa maanta halkan jooga gaadhayaa laba Kun iyo Dhawr Boqol oo Qof, labadaa Kaam Dad baa ka masuul ah, Qof konton qof ka masuul ah iyo qof boqol ka masuul ah iyo Xildhibaanno Kaamamka si guud uga masuul ah, waxaannu nidhaahnaa wixii la keenay waakaase sida loo kala jilicsanyahay halloo gaadhsiiyo.” Sidaa waxa yidhi Duqa magaalada Caynabo.

Sidoo kale, Badhasaab Ku-xigeenka Nuur Qaasim Qodax, ayaa isaguna ku dooday inaan Dadka mar wax la wada gaadhsiin karin, isla markaana hadba sida wax loo kala gaadhsiin karo loogu sifsifo oo hadba cid wax loo dhiibo, isla markaana ay hawshaa qaybinta u qaabbilsan yihiin Guddi sare oo Madax ka ah Kaamamka iyo Guddi hoose oo Koox koox uga masuul ah Dadka Barakacayaasha ah ee labada Kaam ee Caynabo laga sameeyey ku kala jira.

Xigasho Wargeyska Ogaal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.