Weftiga Musharrax Cirro oo Si Diirran loogu soo dhaweeyey Sheekh iyo Berbera – Daawo Sawirro iyo Muuqaal

SOO DHAWAYNTA WEFTIGA MUSHARRAX CIRRO EE BERBERA ILLAA SHEEKH 2017

Saaxil(Aftahannews):- Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Wefti culus oo uu hoggaaminayo, ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyey deegaannada u dhexeeya Burco illaa Berbera, iyada oo si weyn loogu soo dhaweeyey magaalooyinka Sheekh iyo Berbera ee gobolka Saaxil.

SOO DHAWAYNTA WEFTIGA MUSHARRAX CIRRO EE BERBERA ILLAA SHEEKH 2017

Waftigan oo ka kasoo kicitimay subixii hore ee Saaka magaalada Burco oo ay maalmihii ugu danbeeyay hawlo shaqo u joogeen,ayaa waxa soo dhaweyn aan hore loo arag looggu sameeyay deegaamo badan oo hoos-yimadda Degmooyinka SHEEKH iyo BERBERA.

Dhoolatuskii ugu layaabka badnaa,ayaa waxa uu ka dhacay Magaalada Caasimadda u ah Gobolka Saaxil ee Berbera,taas oo wafdigga ay wajiyo farxad leh ku qaabileen Kummaan reer Berbera ah oo si weyn ula-dhacsanaa Siyaasadda Tudhaalaha leh ee Musharax Cabdiraxmaan-cirro ee taabanaya baahiyahooda Nolosha oo ay aad uga cabanayaan.

Qaabka Weftiga Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani loo soo dhaweeyey, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.