Qarax Khasaare Dhaliyey oo lala Beegsaday Tareen Marayey Dhulka Hoostiisa Magaalada London

BOOLISKA SIDA DEGDEGGA AH U HAWLGALA EE LONDON OO BAADHAYA QARAXA 2017

London(Aftahannews):- Qarax, ayaa lala beegsaday Tareen ka mid ah kuwa magaalada London ee Waddanka Britain ee dhulka hoostiisa mara, waxaana lagu soo warramayaa in qaar ka mid ah Rakaabka Tareenkaas saarnaa ay ku dhaawacmeen Qaraxaas.

BOOLISKA SIDA DEGDEGGA AH U HAWLGALA EE LONDON OO BAADHAYA QARAXA 2017

Waxa uu Qaraxu dhacay 08:20 xilliga London ee maanta, waxaana Booliska iyo Hawlwadeennada caafimaadka ay gaareen goobta uu ka dhacay oo ah boosteejada Parsons Green ee Fulham.

Sawirro laga soo qaaday tareenka ayaa muujinaya in xajmiga qaraxa uu koobnaa, oo aanu geysan burbur muuqda. Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen dad qaba dhaawacyo kala duwan. Laba iyo labaatan qof ayaa lagu dabiibay cisbitaallada London.

Booliska la dagaallanka argagixisada ayaa sheegay inay qaraxa ula tacaalayaan inuu yahay “fal argagixiso.” Askar hubaysan ayaa la geeyay goobta uu qaraxa ka dhacay.

Qalabka qaraxan Tareenka London marayey lala eegtay loo adeegsaday, ayaa la sheegay in loo diyaariyay si noolasha Dad badan uu u galaafto, balse aanu u qarxin sidii la rabay ama loo qorsheeyey inuu u qarxo, sida Khoborada aqoonta u lihi tibaaxayaan.

Xigasho BBCSomali.com

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.