Tirada Soomaali ay Qoymiyadda Oromadu Ku Xasuuqday Deegaanka Jaadka Haawadaay ee Dalka Itoobiya

BREAKINGNEWS
BREAKINGNEWS

Haawadaay(Aftahannews):- Ugu yaraan 36 Qof oo Soomaali ah, ayaa habeen hore illaa shalay lagu dilay deegaanka Hawadaay ee Bariga dalka Ethiopia, kuwaas oo ay si badheedh ah u xasuuqeen Dad ka tirsan Qoomiyadda Oromada oo ah Dadka tiro ahaan ugu badan Dalka Itoobiya.

BREAKINGNEWS

Dilalkan ayaa daba socda rabshado u dhexeeyay maalmihii la soo dhaafay Dadka Oromada iyo Soomaalida ee dalka Ethiopia wada dega. Oramada ayaa ku eedeesay Ciidammada Liyuu Booliska ee dawlad-deegaanka Soomaalidu inay dad ka dileen, hase ahaate Afhayeen u hadlay Ciidammadaasi, ayaa laanta Afka Oromada ee VOA-da u sheegay inaanay arrintaasi waxba ka jirin.

Boqor Cali Cumar Allaale oo ah Xildhibaan hore oo laga soo doorto deegaanka Dadka lagu dilay ee Haawadaay, ayaa Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA, caawa u sheegay in Meydadka 32 Qof oo Soomaali ah oo Oromadu xasuuqday la aasay Maanta, isla markaana ay jiraan Dad badan oo kale oo la laayey oo aan weli Tiradooda lahayn, halka ay Dhaawacyo badan iyo Barakacna jiraan.

Waxa uu Boqor Cali sheegay in Dadka la laayey yihiin Rag ka shaqaynayey Shirkadaha Qaadka Soomaalida ee Deegaankaas Qaadka ka soo qaada iyo Xaasaskoodii, kuwaas oo uu sheegay in badankooda loogu galay Guryaha ay degganaayeen iyo goobaha Shaqo ee ay ka hawlgalayeen, isla markaana Badi la Gawracay, Baabuur Kuwa Qaadka soo qaadi jiray ee ay leeyihiin Shirkado ay ka mid tahay Shirkadda 571 ee Ganacsadaha Ina-Afdiinle iyo kuwo kaleba ay Oramadu gubtay.

Hase-yeeshee, dawladda Itoobiya, War ka soo baxay ayaa keliya lagu sheegay in laba Ruux la dilay. Hase-yeeshee, Wararka Madaxa-bannaan ee laga halayo Deegaankaas, ayaa xaqiijinaya in 36 Qof la aasay, isla markaana dhimasho badan oo kale jirto, welibana ay weheliyaan dhaawacyo iyo Barakac ballaadhan oo Soomaalida deegaankaas soo food-saaray. Waxaanay ku andacootay dawladda Federaalka Itoobiya inay xallinta dhibaatadaas kala xaajoon doonto Odayaal-dhaqameedka Soomaalida iyo Oromada ee Deegaannadaas ku dhaqan, sida lagu sheegay War ay baahisay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-du caawa.

Ruux Goobjooge ah, ayaa BBC-da u sheegay in Ciidammo Millateriga Itoobiya ka tirsan ay haatan ilaalinayaan waddooyinka magaalada Haawadaay ee ay isku dhacyadu saameeyeen. Bishii la soo dhaafay, dowladda ayaa ka qaadday gobolka Oromada bandow 10 bilood saarnaa, kaddib in ka badan labo sano oo ay ka socdeen dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda dalkaasi.

Haddaba Dhibaatadan lagu Xasuuqay Soomaalida, ayaa sababtay inay istaagaan isu-socodkii Gaadiidka dhinaca Dhulka ee u kala gooshi jiray Galbeedka iyo Bariga dalka Itoobiya, gaar ahaan Deegaannada Dawlad-deegaanka Soomaalida iyo Itoobiyada kale, maaddaama oo deegaanka dhibaatadu ka dhacday u dhexeeyo Bariga iyo Galbeedka, sidoo kale waxa istaagay Ganacsiga Qaadka ama Jaadka laga soo qaadi jiray Dhulka Oromada ee la keeni jiray Dhulka Bariga Itoobiya ee Soomaalida iyo dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo Maanta aanu soo gaadhin wax Qaad ah oo Itoobiya ka yimi.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.