“Arrinta Baarlamaanka Ka Dhacday Il-Bidhiqsiyo Ayaa Lagu Kala Baxayaa Haddii Dariiqeeda La Maro..” Sheekh Aadan-Siiro

SHEEKH AADAN-SIIRO
SHEEKH AADAN-SIIRO

Hargeysa(Aftahannews):- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcihii Maanta uu ka jeediyey Masjidka Xaafadda Xawaadle ee magaalada Hargeysa, kaga hadlay Khilaafka Cakiran ee ka dhashay Doorashadii Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada Somaliland.

SHEEKH AADAN-SIIRO

Sheekh Aadan-Siiro wuxuu sheegay in Khilaafka ka taagan Guddoomiye-nimada Golaha Wakiillada lagu dhamayn karayo muddo yar, haddii la raaco Dariiqa Saxda ah. Sheekha oo Arrimahaa iyo kuwo kale oo muhiim ah ka hadlaya ayaa yidhi; “Walaaladiin markay is-qabtaan dhexdooda Sulxi ka sameeya oo markaad kala saaraysaan Reer, Magac iyo Xil midna ha eegina oo ILAAHAY ka yaaba.”

Sheekhu Aadan waxa uu intaas ku ladhay; “Arrintaa Maanta Baarlamaanka ka dhacday Il-bidhiqsiyo ayaa lagu kala baxayaa haddii dariiqeeda la maro, laakiin Haddii Arrintu tahay Toban Nin oo indho la’ oo Maroodi qabsaday, Kii Dhegta qabsaday ayaa la yidhi Maroodiga ka warran? Wuxuu Maroodigu waa Masaf oo kale, kii Indhaha La’aa ee Lugta qabsaday Maroodiga ayaa markii la waydiiyey wuxuu yidhi, Maroodigu waa Jirid-buu yidhi. Markaynu diidno in waxa innaga dhexeeya Dadka lagu kala saaro, ee Qofku doono sida uu Aaminsan yahay ama Kooxdiisu aaminsan tahay waa Ninkaa indhaha la’ ee Maroodiga dhegta haysta ee haddii la yidhaahdo Maroodigu Dheg maaha ee Qayb ka mid ah ayaad haysataa weligii wuxuu la soo taagnaanayaa Maroodigu waa dheg. Markaa waa Maxay waxa Dadka lagu kala saarayo ee aan aqoonin kaa dhegta haysta ama kaa Lugta Haysta Maroodiga..”?

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud wuxuu ku taliyey in Si Caddaalad ah loo Xalliyo Khilaafka Golaha Wakiillada “Waxaanu leenahay Baarlamaanka hala heshiisiiyo, oo ha lagu heshiisiiyo Xaqu wuxuu yahay iyadoon dhinacba Garabka la saarayn, waa in Maslaxadda Ummadda laga hor-mariyaa 77-kaa Xildhibaan ee Baarlamaanka iskugu yimid, Waayo? Dadkii doortay in la bedbaadiyo weeyaan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Cadaaladda halkaa laga sameeyaa waxay ku xidhan tahay Doorashada Dambe ee Adag ee Bulshadu gelayso Cadaaladdeedu, markaa Hay’adaha khusayso ee Arrintani ee Taladeeda Gacanta ku haya inay ka Caddaalad falaan, Caddaalad falkaasi ay keento inay ku bedbaadiyaan in aanay Ummaddani is-khilaafin oo aanay is-dilin, Ummadda waxa dhaqda Caddaalad.”

Sheekhu wuxuu ka digay in Khilaafku sii fido “Hadduu Khilaafkaasi sii fido waad garanaysaan halkuu tagayo, markaa waa in Qofka khaldan la yidhaahdo Joog. Arrintaa Baarlamaanka haddii laga Caddaalad falo Saacad ma qaadanayso.” Ayuu waxaanu intaa raaciyey farriin dardaaran ah oo uu u diray Guddoomiyaha Maxkamadda Sare “Guddoomiyaha Maxkamadda sare waa Dadka dhifka ah ee Ummaddani leedahay hadduu wanaag jiro, isagaana Maanta Kacanta ku haya (Arrinta Wakiillada), waxaanu leenahay ha dheeraynin wixii doonaa ha soo baxo’e, si Ummaddu u kala shaqo tagto, waxaanu kula talinaynaa inuu deg-deg Go’aan u soo saaro.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.