“Qofka Diinta Waxa Seejiyaa Waa Shaydaan iyo Gaal is-xambaar ah..” Sheekh Maxamed Sh. Cumar Dirir

SHEEKH MAXAMED SHEEKH CUMAR DIRIR

Hargeysa(Aftahannews):- Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, ayaa caddeeyey inay muhiim tahay in Qof kasta oo Islaam ahi ku dedaalo siduu Diinta Islaamka ugu sugnaan lahaa, taasoo u suurtagelinaysa raali-ahaanshaha Illaahay iyo abaalmarinta Jannadiisa, isla markaana ka dheeraado in Shaydaanka iyo Gaalada Is-xambaarka ahi Diinta seejiyaan.

SHEEKH MAXAMED SHEEKH CUMAR DIRIR

Khudbaddii Jimcaha Maanta uu Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, ka jeediyey Masjikad Rusheeye ee magaalada Hargeeysa, waxa uu kaga hadlay muhiimada mawduuca ku sugnaanshaha Diinta Islaamka iyo waajibaadka looga baahan yahay Qofka Muslimka ah inuu ku ilaashado Diintiisa iyo dhaqankiisa, isla markaana kaga dheeraado dhibaataynta Shaydaanka iyo Gaalada.

“Waxa ugu wanaagsan ee nolosha aynu haysano waa Diinta Islaamka, qofku haduu waayo, darxumo inay u dhamaatay wax la hubo weeye, noloshuna micno uma lahaanayso. Wax aad u qiimo badan markaad hesho waxa wanaagsan inaad ku dedaasho waxii kuu ilaalin lahaa.” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Dirir.

Sheekh Dirir oo ka hadlayey arrimaha Qofka u saamaxaya inuu Diinta Islaamka ku sugnaado, ayaa sheegay inuu ugu horreeyo ku sugnaanshaha Kitaabka Alle ee Qur’aanka Kariimka ah, waxaanu yidhi; “Waxa ugu horreeya ee kuu saamaxaya inaad Diinta Islaamka ku sugnaato waa Quraanka, hadday tahay Barashadiisa, Xifdintiisa iyo ku dhaqankiisa. Illaahay markuu Bani’aadamka abuuray waxuu soo raaciyey Kitaabka, waa xadhig Qofkii qabsadaa Dabaylaha iyo Duufaannada uu kaga badbaadayo. Quraanku inuu yahay shayga ugu weyn ee qofka Diinta ku suga Illaahay baa caddeeyey. Qofka Diinta waxa seejiyaa waa Shaydaan iyo Gaal is-xambaar ah, labadaba Quraanku si ballaadhan ayuu innoogaga warramay oo innoogaga digay.”

Waxa uu Sheekh Maxamed Sh. Cumar Dirir sheegay inuu la yaabay Nin ku hadlayey Afka Aqalka Cad ee Maraykanka looga taliyo dhawaan uu sheegay inay waddamada Carabta wada qaateen mowqif Diiniyan aan wanaagsanayn, waxaanu yidhi; “Waxa layaab leh in Nin ku hadlayey Afka Aqalka Cad ee Maraykanku dhawaan sheegay inay Carabta isla garteen in Masaajiddada iyo Khudbadahooda la shaandheeyo; si Muslim dhexdhexaad ahi u hadli karaan.”

“Arrinka labaad ee Qofka ku sugaya Diintiisa waa inuu Illaahay rumeeyo, Iimankiisana ka dhabeeyo oo camal wanaagsan sameeyo. Sida Illaahay innoogu sheegay Aayad micnaheedu yahay; ‘Dadka Muuminiinta ah Illaahay wuu sugayaa Adduunyada oo fitnada iyo fasaadku waxba kama qaadayaan, Qabrigana ku sugayo, oo su’aalaha si wanaagsan uga jawaabi doono’. Arrin kaloo sugaya qofka Diintiisa waa inuu daraaseeyo Qisooyinka badan ee Kitaabka ku sugan, oo aad u soo noqnoqda, Sirta ku jirtaana tahay sida Illaahay innoo sheegay in Qalbiga Nebiga (C.S.W) NNKH iyo Qofka Islaamka ahba lagu sugayo, Diintiina ku sugmayo, isla markaana qofku aanu simbiriirixanayn.” Sidaa uu yidhi Sheekh Maxamed.

Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, ayaa sheegay in Baryada Illaahay ka mid tahay waxyaalaha Qofka ku suga Diintiisa, waxaanu yidhi; “Baryada Illaahay waxay ka mid tahay waxyaalaha Qofka ku suga Diintiisa, marwalba waa innaynu Illaahay barino, sida Muuminiintaba Illaahay uga warramay siday u baryi jireen; ‘Illaahoow Qalbigayaga ku sug Diinta, intaad na hanuunisay ka dib’ Nebi Maxamed NNKH ducadan ayuu badin jiray; ‘Illaaha qalbiyada rogrogoow, Diinta ku sug qalbigayga.’ Caa’isha RC markii ay weydiisay Nebiga NNKH ducadan aad ayaad u badisa, waxuu ugu jawaabay; “Qalbigu laba farood ee Illaahay ayuu ku dhexjiraa, hadba siduu doonuu u rogaa’. Markaa ducadaa waa inaynu aad u badinaa, weliba xilliyada Nebigu NNKH tilmaamay in ducada la aqbalo, xilliga eedaanka, iyo wakhtiga dambe habeenkii.”

“Xuska Illaahay waxa uu ka mid yahay arrimaha Diinta Islaamka innagu sugaya, sababtoo ah qofku waxa uu jecelyahay ayuu ku celceliyaa. Markaa, qofkii doonaya inuu sugnaanshiiya helo waa inuu xuska Illaaahay afkiisa ku bato. Sida Illaahay innoo sheegay Qalbiga werwersan xuska Illaahay ayuu ku degaa’ Nebi Maxamed NNKH waxa uu xadiis ku sheegay micnahiisu yahay; ‘Qofka Illaahay xusaya iyo qofka aan xusayn waxay kala yihiin sidii qof nool iyo mid dhintay’. Markaa qofku hadaanu Ilaahay xusayn waa meyd, habba noolaadee.” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.