Talyanle oo Shaaciyey in Baashe Xafiiskii Cirro oo aan lagu Wareejin Jabsaday, Kana Hadlay Safarka uu Sool ugu baxay

XILDHIBAAN TALYANLE OO SHEEGAY IN BAASHE JABSADAY XAFIISKII CIRRO OO AAN WELI LAGU WAREEJIN SAFARNA KU TEGAY SOOL 11 AUGUST 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Talyanle) oo tartankii ay isaga iyo Xildhibaan Baashe Maxamed Faarax ugu tartameen jagada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Muran ka taagan yahay, Dacwadina Maxkamadda Sare ka taallo, ayaa Kursi-jacayl ku tilmaamay in Baashe oo aan weli Guddoomiyihii hore ee Golaahaas Cabdiraxmaan-Cirro xilka ku wareejin inuu fadhiisto Xafiiskaas oo uu sheegay inuu Jabsaday iyo inuu Safar ugu baxo gobollada Bariga, gaar ahaan Sool, sheegtana inuu yahay Guddoomiye, sida uu Talyanle hadalka u dhigay.

XILDHIBAAN TALYANLE OO SHEEGAY IN BAASHE JABSADAY XAFIISKII CIRRO OO AAN WELI LAGU WAREEJIN SAFARNA KU TEGAY SOOL 11 AUGUST 2017

 

Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle oo Jimcihii Maanta Waraysi siiyey Eryal TV isagoo ku sugan magaalada Hargeysa, ayaa ka hadlay Wasiirro Xukuumadda ka tirsan oo shaaciyey inay Xukuumaddu Baashe Guddoomiyaha Sharciga ah ee Golaha Wakiillada u aqoonsantay, Talyanlena u aragto Nin meel cidla ah ka sacabba-tumanaya. Hase-yeeshee, waxa uu sheegay inaanu garan karin sababta ay laba Xildhibaan Wasiirrada ay Gole ahaan ansixiyeen ugu kala eexanayaan ama ay colaad u dhex-dhigayaan laba Mudane oo isku gole ah, waxaanu tilmaamay inay Xukuumaddu faro-gelin qaawan ku hayso Golaha Wakiillada.

Waraysigaa Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle Maanta bixiyey waxyaabaha uu kaga hadlay, Su’aalaha la weydiiyey iyo Jawaabaha uu ka bixiyey-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.