Abwaan Cabdillaahi Xasan-Ganay oo Si Diirran loogu Soo Dhaweeyey Hargeysa – Daawo

ABWAAN CABDILLAAHI XASAN-GANAY OO LAGU SOO DHAWEEYEY HARGEYSA 11 AUGUST 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Abwaan Cabdillaahi Abwaan Xasan-Ganay, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey Jimcihii maanta Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa, ka dib markii uu ka soo dhoofay waddanka Maraykanka oo uu deggan yahay, waxaana Soo-dhawayntiisa ka qayb-qaatay Abwaanno, Fannaaniin, Siyaasiyiin iyo Dhalinyaro badan.

ABWAAN CABDILLAAHI XASAN-GANAY OO LAGU SOO DHAWEEYEY HARGEYSA 11 AUGUST 2017

Abwaannada soo dhaweeyey waxaa ka mid ahaa Abwaan Maxamed Aadan Dacar, Abwaan Xasan-Weedhsame, Abwaanno, Hal-abuurro, Fannaaniin, Siyaasiyiin iyo Dhalinyaro kale, waxaanu ka mahad-celiyey soo-dhawaynta loo sameeyey oo uu ku tilmaamay mid aad u farxad gelisay oo aanu filaynin, isla markaana galabsan.

SOODHAWAYNTA CABDILLAAHI XASAN GANAY

Waxaannu soo-dhawaynta Abwaan Cabdillaahi Xasan-Ganay, Hadallada lagu soo dhaweeyey ama lagu qaabbilay iyo hadalkiisaba, idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan HOose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-
aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.