Daawo Muuqaalka 39-ka Xildhibaan ee Talyanle u Codeeyey oo Mid waliba Caddaynayo Magiciisa & Codkiisa

39 XILDHIBAAN OO SHAACIYEY INAY CODKOODA SIIYEEN CABDIRAXMAAN TALYANLE 6-DII AUGUST 2017

Hargeysa(Aftahannews):- 39 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, isla markaana ka tirsan 78 Xildhibaan oo u kala Codeeyey Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle iyo Xildhibaan Baashe Maxamed Faarax oo lixdii bishan August 2017-ka ku tartamay Kursiga Guddoomiyaha Golahaas oo Cirro labadii Bishan iska casilay, ayaa Mudane kasta oo 39-kaas ka tirsan mid waliba shaaciyey inuu Codkiisa siiyey Cabdiraxmaan Talyanle.

39 XILDHIBAAN OO SHAACIYEY INAY CODKOODA SIIYEEN CABDIRAXMAAN TALYANLE 6-DII AUGUST 2017

Shirguddoonka Fadhigii lagu kala dooranayey Baashe iyo Talyanle ee Golaha Wakiillada hagayey oo ah Ku-xigeenka 2-aad ee Golahaas Cali Yuusuf Axmed, ayaa codaynta ka dib natiijada ku dhawaaqay, isla markaana sheegay in Talyanle 38 Cod helay, Baashena 39 Cod, sidaana uu Guddoomiyaha ku noqday Baashe, Talyanlena ku hambalyeeyey. Hase-yeeshee, Xaqiiqadu is-beddeshay markaas ka dib, markii Xoghaymihii Golaha ee Codadka tirinayey qaarkood sheegeen in 39-ka Talyanle helay, Baashena 38-ka Cod, markaas oo Talyanle iyo Xildhibaannada qaarkood shaaciyeen in musuq dhacay ee Mudanaha 39ka helay ee la doortay Talyanle yahay.

Balse, Xukuumadda Somaliland Wasiirro ka tirsan oo kala ah Wasiirka Warfaafinta Caddaani, Wasiiru-dawlaha Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Maxamed Muuse iyo Xubno kale, ayaa Warbaahinta ka sheegay inay Baashe Xukuumad ahaan u aqoonsan yihiin Guddoomiyaha Sharciga ah ee Golaha Wakiillada, Talyanle soo noqoshadiisuna tahay muran ujeeddo kale laga leeyahay.

Haddaba, in kasta oo Xildhibaannada iyo Codeeyey iyo Talyanleba Dacwad arrintaas ka dhan ah Maxkamadda Sare u gudbiyeen, haddana 39-kii Xildhibaan ee Talyanle u codeeyey, ayaa mid waliba isaga oo Magiciisa ku dhawaaqaya, caddaynayaa inuu Talyanle codkiisa siiyey, waxaanannu Hadalkooda idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee ka bogasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.