“Ninba waa Ninkiisa, Annaga Kulmiye ayaa nala yidhaa, Xukuumadda Siilaanyo-na..” Wasiiru-dawlaha Amniga Maxamed Muuse Diirye

WASIIRU-DAWLAHA AMNIGA EE WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA SOMALILAND MAXAMED MUUSE DIIRYE OO KA HADLAY CADDAYMAHA TALYANLE AUGUST 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiiru-dawlaha Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diirye, ayaa sheegay inay Xukuumaddu tahay Xisbiga Kulmiye mid ka dhalatay, isla markaana ay marwalba cidda dhinaca Kulmiye ah taageerayso.

WASIIRU-DAWLAHA AMNIGA EE WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA SOMALILAND MAXAMED MUUSE DIIRYE OO KA HADLAY CADDAYMAHA TALYANLE AUGUST 2017

Sidaa awgeedna ay Xukuumad ahaan taageersanayd Xildhibaan Baashe Maxamed Faarax oo lixdii bishan ku tartamay Kursiga Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland oo ay immikana Guddoomiyaha Sharciga ah u aqoonsan tahay, taa beddelkeedana u aragto mid meel kale laga hagayo Muranka Kursigaa hadheeyey, ka dib markii Musharrixii la tartamay ee Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle sheegay in hal cod la is-dhaafiyey, soona bandhigay Caddaymaha codayntaas iyo Xildhibaannadii u codeeyey-ba.

Hase-yeeshee, Xukuumadda oo caddaymahaas iyo Dacwadda Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle iska indha-tiraysaa, ayaa geesteeda ku doodaysa in Baashe Maxamed Faarax yahay Guddoomiyaha Sharciga ah ee Golaha Wakiilladu doortay. Waxaanu Wasiiru-dawlaha Amnigu sheegay in Caddaymaha Talyanle soo bandhigay yihiin noqonna karaan kuwo been-abuur ah iyo Wax farsamo ahaan laysu geegeeyey.

Waxaannu Wasiiru-dawlaha Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diirye oo arrimahaas iyo kuwo kaleba ka hadlaya oo ay ka mid yihiin Ciidammada Golaha Wakiillada la wareegay iyo Xadhiggii Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo uu sheegay in isaga la siiddaayey, balse xubno kale baadhis lagu wado, waxaannu Hadalkiisa idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-


aftahaninc@gmail.com
Aftahanenws.com
Hargeysa/Somaliland.