Hargeysa: Xaflad lagu Furay Sannad-dugsiyeedka 2017/2018 ee Dugsiyada Hoose/Dhexe ee Al-Irshaad oo laysku Arkay + Sawirro

XAFLADDA FURITAANKA DUGSIYADA AL-IRSHAAD EE 2017 ILLAA 2018

Hargeysa(Aftahannews):- Xaflad ballaadan oo lagu  furayey sannad-dugsiyeedka cusub ee 2017-2018 ee Dugsiyada hoose/dhexe ee Wiilasha iyo Gabdhaha ee Al-irshaad, isla markaana shahaadooyin lagu gudoonsiinayye 310 Arday oo ka qalinjabiyey School-lada hoose-dhe ee sannad-dugsiyeedka 2016-2017 ee dugsiyada hoose-dhexe ee Al-irshaad ayaa lagu qabtay Hoolka wayn ee shirarka ee Hotel-ka Maan-soor ee Hargeysa.

XAFLADDA FURITAANKA DUGSIYADA AL-IRSHAAD EE 2017 ILLAA 2018

Munaasabaddii lagu sagootinayey Ardayaasi waxaa ka soo qaybgalay maamulka guud ee School-lada Al-irshaad Maxamed Aadan Askar, Xisaabiyaha guud ee Al-irshaad Saxardiid Xuseen Cabdillaahi, madaxa qaybta Gabdhaha Sayid Sheekh Ibraahin,macalimiinta iyo waalidiintii ku soo tabcay Ardaydaasi.

Sidookale waxaa xafladdaasi lagu soo casuumay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda waxaana kamid ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Mr Axmed Xuseen, wasiir ku xigeenka amniga Maxamed Diiriye, Sulaanka guud ee Habar-awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan, Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan kana tirsan mudanayaasha aqalka sare ee odayaasha Guurtida, agaasimaha dugsiyada gaarka loo leeyahay Muuse Maxamed Shide iyo martisharafkale oo farabadan.

Furitaankii xafladdaasi waxaa ka hadlay maamulaha School-ka Gabdhaha Sayid Sheekh Ibraahim waxaanu ka warbixiyey munaasibadan qiimaha badan iyo nuxurka ay daarantahay ee loo qabtay waxaanu yidhi “maanta munaasibaddani waa munaasibad aanu ku abaalmarinaynu 310 arday oo ka kalayimid faraca 1-aad iyo faraca 2-aad”

Isaga oo hadalkiisa sii wata Mr Sayid waxa uu sheegay inay ardaydaasi yihiin xulkii iyo labeentii laga soo dheegtay imtixaanadii guud ee laga qaaday qaybaha kaladuwan ee Al-irshaad labada qaybood ee 1-ka iyo 2-ga kuwoodii kaalmaha sare kagalay” ayuu yidhi waxaanu intaa sii raaciyey “ ardaydani lama wadaagaan ardaydiikale balse waa kuwo ka soo dhexbaxay 3333 oo ahaa kuwii galay kaalmaha 1-aad’2-aad-3-aad u galay fasalladii ay dhiganayeen iyadoo ay weheliyaan ardaydii hormuudka u ahayd dhinaca akhlaaqda fasalladaasi ”

wasiiru Dawlaha arrimaha amaanka Maxamed Muuse Diiriye oo isaguna halkaas ka hadlay waxa uu sheegay inay waajib-tahay in wax la baro ubaxay yaryar ee soo koraya oo noqonaya kuwii badali lahaa jiilkan hadda shaqeeya waxaanu tilmaamay inay  cauurtaasi yihiin kuwii burrito la wareegilahaa aayaha dalka iyo dadkaba “waxaan filayaa inay taha waajib  inna saaran inaan waxbarro ubaxeenaa yaryar  oo ah kuwii berrito inabadali lahaa ee la wareegi lahaa aayaha dalka iyo dadka” ayuu yidhi Mr Diiriye.

Mr Muuse waxa uu  farta ku fiiqay kaalinta dumarku ugu jiraan barbaarinta caruuraha iyo ka maqnaanshaha Ragga ee had iyo goorba meelaha waxbarashada sidan oo kale lagu qabanayo xafladaha mooraalka loogu dhisayo caruuraha,waxaanu tusaale u soo qaatay Xadiiskii Nabawiga ahaa ee tilmaamayey inay hooyadu uga xaqleedahay xaqa caruurta kan aabaha “halkaa waxaa aad aragtaan ee soo wada fadhiyaa waa dumarkaliya raggiina inta ka fadhida waad aragtaan inay raggii meesha ka maqan yihiin taasina waxay tilmaamaysaa Xadiis kii Nabawiga aahee aad wada garanaysaan” ayuu yidhi wasiiru dawole  Maxamed  Muuse Diiriye.

Waxaa wax lala yaabo isla markaana dareenkeeda iyo farxaddeeda iska lahayd Deeqa Maxamed Warsame oo ah gabadh aad u da’yarayd oo si cajiiba ah ugu khudbadaysay luuqadda ay dadka sabankan joogaa aadka u qiimeeyaan ee English-ka waxaanay Deeqayar khudbadeedaadi si weyn u soo jeedatay maanka iyo maskaxda daawadayaashii fadhiyey xafladdaasi gaar waxaana la arkayey waalidka deeqa dhalay oo farxadda iyo qiirada darteed madaxa ruxaya.

Suldaanka  guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan oo madashaasi ka  hadlay waxa uu maamulka iyo macalimiinta soo saara boqolaalkaasi arday ee Al-irshaad ku ammaanay kaalinta ay kaga jiraan horumarka waxbarashada dalka iyo kobcinta maskaxda da’yarta soo koraya ee barbaarinta u baahan.waxaa isna sidookale xafladdaasi ka hadlay Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan  kamida mida xildhibaanada Guurtida waxaanu tibaaxay muhiimadda ay waxbarashadu u leedahay caruuraha yaryar ee soo koraya.

Madaxa dugsiyada gaarka loo leeyahay Muuse Maxamed Shide oo kamid ahaa ka soo qaybgalayashii xafladaas ayaa waxa uu   ka sheekeeyey qiimaha uu cilmigu leeyahay iyo sida uu jahligu dadkiisa dib ugu reebo waxaanu hambalyeeyey waalidka gaar ahaan dumarka dadalka ay raga dheeryihiin ee ay caruuraha ku xanaaneeyaan “xayawaanaadka kan hadla iyo kan aad hadlin arkimaysid Libaax nin ah oo caruurtiisa wata,arkimaysid Orgi waxaraha wada,arkimaysid,wan baraarkii wada arkimaysid hooyo uunbaa intaa wadda caruuraha” ayuu yidhi Mr Shide.

Wasiirka dhaqanka iyo dalxiisa Khadar Xaaji Yuusuf oo madashaasi ka hadlay  waxa uu sheegay inuu aad ugu warhayo maamulka iyo Schoolada Al-irshaad isla markaan uu tacabadan iyo dadaalba galiyey maaamulkaasi sidii ay Schooladaasi u gaadhi lahaayeen halkan ay maanta soo gaadheen iyo ka sii wanaagsanba waxaanu wasiirku tilmaamay inay baryahan danbe soo bexeen macalimiin aan khibrad badan u lahayn qaabka waxbarista iyo maamulka caruuraraha ay wax u dhigayaan sidaa darteed aanay wanaagsananayn inuu ilmuhu macalinka maamulo “ma wanaagsana inuu ilmuhu macalinka maamulo waxaanad arkaysaa waalid sanad gudihiisa intaas oo School isku maraya oo ilmuhu jiidayo” ayuu yidhi Mr Khadar Xaaji.

Gudoomiyaha guddida waalidiinta Al-irshaad Sheekh Cali Aadan Samatar oo madashaasi ka hadlay ayaa mahad ballaadhan u jeediyey dhamaan waalidiinta madasha soo camiray iyo ardayda  iyo maamulkoodaba “hablahaa aadka u quruxda badan ee hooyooyinka ah ee halkaa fadhiya ayaan u mahad celinayaa waayo haddaanay hooyooyinkaasi joogin caruuruhu maanay wax barteen raggana waxaan leeyahay ilaahay sida xaasaskiina oo kale haydinka dhigo ardaydana waxaan leeyahay waalidkiina ixtiraama oo waliba hooyooyinka si gaara u ixtiraama” ayuu yidhi Sh Cali Samatar.

Maamulaha guud ee Dugsiyada Al-irshaad Maxamed Aadan Askar oo hallkaa ka hadlay waxa uu si kooban uga warbixiyey taariikhdii hore ee ay soo mareen madaarista Al-irshaad waxaanu tilmaamay dadaalbadan  iyo shaqo adagg ka dib inay ka maamul ahaan u suurto gashay inay qaybta wiilasha ee Schoolkaasi oo markiihore ku jiray guryo kiro ah inay u heleen dhul uu Schoolku leeyahay oo dhawaana ay u dhiseen sifiicanna u qalabeeyeen dhismihiisa .

“waxaad la socotaan inaanu gacanta ku hayno Schoolo dhawra waxaana dhawaan noo suurto gashay qaybtii wiilasha oo aanu kiro ugu jiray inaanu u iibinay dhul uu Schoolku leeyahay si fiicanna aanu dhismahaasi u qalabaynay” ayuu yidhi Maamulaha guud ee Al-irshaad Maxamed Aadan Askar.

Mr Askar waxakale oo uu sheegay inuu maamulkiisa Al-iirshaad qayb ka yahay sidookale maamulka xarunta Agoomaha ee Gebiley oo ay iska kaashadaan hay’adda  mucaawinada tooska ah “Direct Aid” taasoo dhismaheeda la dhameeyey sanadihii la soo dhaafay si quruxbadanna loo dhisay waxaanu xusay inay ka maamul ahaan qorshaynayaan inay maalinta khamiista soo socota xaflad ballaadhan xadhiga kaga jaridoonaan xaruntaasi haddii eebe ogolaado.

Dhanka kalana waxa uu sheegay xarunta ay Agoomuhu wax ku bartaan inay xawaaraheeda qayb kayihiin waalidiinta maanta xafladdan ka soo qaybgalay isagoo arrimahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi “dadaalka ay xaruntaasi ku socoto waxaa faradweyn noo ah inay inay qayb ka yihiin waalidiinta halkan maanta inala fadhiya oo aan aad ugu mahad celinayo iyo wasaaradda waxbarashada oo ah aabaha iyo hooyada arrihaman aanu wadno” ayuu yidhi Mr Askar.

waxaa isaguna madashaasi ka hadlay xisaabiyaha guud ee Dugsiyada Al-irshaad Saxardiid Xuseen Cabdillaahi oo isaguna halkaa ka hadlay waxa uu sheegay inaanay madaarista Al-rshaad ahayn uun meel-loo furtay in laga helo uun macaash oo lacagta uun lagag gurtu a ardayda balse ay yihiin goobo ay ku kulmeen qaybihii kaladuwanaa ee bulshadu sida dabqadihii-hoose ee danyarta ahaa iyo kuwii lacagaha lahaa ee awoodi karayey inay caruurahooda ka bixiyaan lacagta Schoolka isaga ooo arrimahaa ka hadlayeyna waxaa hadalladiisii kamid ahaa.

“waxaan idiin sheegayaa Schoolada Al-irshaad inaanay ahayn kaliya meel loo furtay uun inaanay ahayn meel laga helo macaash  oo ardayda lacagaha lagaga gurto   balse ay yihiin goobo  loogu adeego bulshada oo ay ku kulmaan dhamaan daqabadadaha ay ka kooban tahay bulshadu haday yihiin dabqadda sare,ta dhexe iyo tahoose intaba waxaanu tilmaamay inay jiraan Schoolo aan waxba u dhigayn ardayda danyarta ah ee aan iska bixinkarin lacagaha basle ay qaataan kaliya kuwa lacagaha bixinkara ee ay dadka tujaarta ahi dhalee.

Isaga oo arrintaa ka hadlayeyna waxaa hadalladiisii kamid ahaa “maanta waxaajirta magaalada Hargeysa dugsiyo badan oo iyagu aan bulshada ugu adeegayn sidii saxda ahayd balse kaliya qaata uun ardayda iska bixin karta lacagta laakiin aan waxba u dhigaynin ardayga ka soo jeeda qoyska danyarta ah ee aan waalidkiisu ka bixin karin lacagta qaaliga ah”

Sidaa darteed waxaanu ugu talo gallay dadka danyarta ah ee aan iska bixin karin lacagaha inay caruurahooda u helaan fursad ay galinka dambe wax ku bartaan halka galinka horana uu maamulku ugu talogalay inay dhigtaan caruuraha ka soo jeeda dabaqadaha sare ee dhaqaalaha haysta.dhanka kalana Mr Saxardiid waxa uu daawadayaashii madashaasi kaga farxiyey erayo uu tusaale ahaan ugu soo qaatay khudbadiisaa hore waxaanu sheegay inay sanadkan kam aamul ahaan isla qaateen inay Dugsiyada Al-irshaad bixiyaan waxbarashu bilaasha “Scholarship education” taasoo ay ku maamuusayaan 10 arday oo kamid ahaa kuwii kaalmaha ugu sareeeya ka galay imtixaankii sanadkan.

Dugsiyada Al-irshaad inay sabada bixinayaan waxbarasho bilaash ah taasoo aanu ugu tgalo gallay  inaanu siino ardaydii galay kaalmaha ugu sareeya” ayuu yidhi Mr Saxardiid,waxaanu tilmaamay sida ay kala noqonayaan ardaydaasi oo ah 4 Gabdhood oo ka baxay qaybta hablaha ee dugsiga hoose dhexe iyo sidookale 4 wiil oo iyana sanadka u gudbaya dugsigasare “ardaydaa aanu waxbarashada bilaashka ah siinay waxay kalayihiin 4 gadhood oo ka baxay dugsiga hoose  dhexe ee Habllaha taasoo  magaceeduu ahaa Amaal Axmed Maxamed oo ahayd fsalka 7-A ee galinka dambe  iyo 4 wiil oo ka baxay dugsiga hoose-dhexe ee wiilasha kuwaasoo imtixaankii la qaaday ka galay kaalihii ugu sareeyey.”

“Sidookale waxaanu waxbarashadaasi bishaaska ah  siinay ardayadii ugu saraysay hablaha ee fasalada 1-aad ilaa 7-aad iyo inan isaguna sidookale ahaa kii ugu sarreeyey qaybta wiilasha 1-aad ilaa -7aad ee hoose-dhexe kaasoo magiciisu ahaa Sudlaan Cabdulqaadir Maxamed oo ahaa fasalka 1-B ee Galinka hore.

Khudbadihii dhaadheeraa ee ay masuuliyiintii xafladdaasi lagu sagootinayey Ardaydaasi ka soo qaybgalay waxaa kamid ahaa wasiir ku xigeenka waxbarashada Mr Axmed oo halkaa ka jeediyey erayo uu kaga warbixiyey madaaristan Al-irshaad iyo dadaalkooda ay wadaan isla markaana ka wasaarad ahaan ay si weyn isha ugu hayaan kaalinta lama dafiraanka ah ee ay madaaristaasi hormuudka ugu yihiin Dugsiyada gaarka loo leeyahay.

Mr Axmed waxa uu sheegay oo kale inay Schoolada gaarka loo leeyahay iyo kuwa xukuumaddu gacanta ku haysaaba ay isku manhaj-yihiin oo dariiqada xagga waxbarashada loo marayo ay ka simanyihiin “Suldaan Ismaaciilow waxaan kuu sheegayaa inay Schoolada gaarka loo leeyahay lamid yihiin kuwa xukuumiga ah manhajkooduna midaysan yahay” ayuu yidhi wasiir ku xigeenka waxbarashada.

Gunaanadkii xafladdaasi waxaa halkaa shahaadooyinkii ay mutaysteen lagu abaalmariyey dhamaan ardaydii loo qabtay xafladdaasi qiimaha badan ee aynu tiradooda xagga sare ku soo sheegnay kwaasoo la arkayey iyaga iyo waalidiintooda dhalay oo isla dhoolo cadaynaya isla markaana isu dhigaya isha kaamiradaha wax muujiya.

Diyaarinta Qoraalka iyo Sawirrada waxa iska leh Baadiya.com.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.