Bannaan-baxyo Rabshado wata oo Kenya ka Socda, Qasaaraha Jira, Gubashada Suuqa Gaarisa & Wararkii u dambeeyey ee Natiijada doorashada

BANNAANBAXYO RABASHADA WATA OO KA BILAABMAY DALKA KENYA NATIIJADA HORDHACA AH EE DOORASHADA KENYA 2017

Kenya(Aftahannews):- Hoggaamiyaha Xisbiga Isbahaysiga Mucaaradka Dalka Kenya Raila Odinga, ayaa qaaddacay Natiijooyinka hor-dhaca ah ee doorashadii guud ee dalkaas ka dhacday Salaasadii dorraad, waxaana ka bilaabmay dalkaas Bannaan-baxyo Rabshada wata oo dhimasho iyo dhaawac sababay, isla markaana waxa la gubay Suuq weyn oo ku yaalla magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-Bari ee dalka Kenya oo Soomaalidu degto.

BANNAANBAXYO RABASHADA WATA OO KA BILAABMAY DALKA KENYA NATIIJADA HORDHACA AH EE DOORASHADA KENYA 2017

Wararkii ugu dambeeyey ee Natiijooyinka illaa hadda la hayo, qaaddacaadda Mucaaradka, Bannaan-baxyada Rabshadaha wata ee socda ama maanta bilaabmay, Dabka Suuqa Gaarisa Muddaharaadka keenay iyo waxay dadku ka xanaaqeen, doodda Guddiga doorashooyinka Kenya iyo waxay ka yidhaahdeen Kormeerayaasha ama Goob-joogayaasha Caalamiga ah ee doorashada Kenya ka qaybgalay, waxaa soo ururisay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da.

Dhammaan Wararka iyo Warbixinaha kala duwan ee ay BBCSomali ka diyaarisay magaalooyin kala duwan oo Dalka Kenya ah iyo Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada iyo xaaladda Kenya ku saabsan, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaal-dhegaysigan hoose ee ka bogasho wacan oo wanaagsan:-


aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.