Kuuriyada Waqooyi oo Tijaabisay Gantaalkii 2aad ee Kuwa Qaaradaha isaga gudba ah Bil gudaheed

GANTAALKA CASRIGA AH EE KUURIYADA WAQOOYI SALAASADII TIJAABISAY JULY 2017

Pyongyang(Aftahannews):- Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed, ayaa shaaca ka qaaday in Kuuriyada Woqooyi ay markii labaad bil gudeheed tijaabisay Gantaal kuwa riddada dheereeya ee Qaaradaha isaga gudba ah oo uu dalkaasi samaystay.

GANTAALKA CASRIGA AH EE KUURIYADA WAQOOYI SALAASADII TIJAABISAY JULY 2017

Gantaalkaas ayaa in ka badan 3000 oo Kiilomitir Hawada ku jiray muddo 45 Daqiiqo ah ka hor inta aanu ku hooban Xeebaha dalka Japan. Hase-yeeshee, Ruushka ayaan qiimeyntaasi ku raacsanayn Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed, waxaanu sheegay in Gantaalkaasi uu ahaa mid heer dhexe ah.

Dhawr toddobaad ka hor ama intii bishan Julay  2017-ka lagu guda-jiray, ayaa dawladda Kuuriyada Woqooyi ay tijaabisay Gantaalkeedi ugu horreeyay ee ah kuwa Qaaradaha isaga goosha, arrintaa oo ka dhignayd horumar dhanka Barnaamijka Hubka wax gumaada ah ee Kuuriyada Waqooyi, ayaa Cabsi badan ku keentay dawladaha Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed.

Xukuumadda Pyongyang, ayaa sii wadda tijaabada Gantaaleheeda xitaa iyaga oo lagu sii adkaynayo Xayiraadaha Qaramada Midoobey iyo Cambaareynta uga imaneysa Dalalka Beesha Caalamka, qaarkood.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.