Faysal Cali Waraabe oo Siilaanyo Ka Hor-caddeeyey Fashilka Qirshihii 2012-kii iyo Gal-daloolada Qorshaha 2017 ee Somaliland

FAYSAL CALI WARAABE OO KASHIFAY FASHILKA QORSHAHA QARANKA IYO MUUSE BIIXI OO DIFAACAY 29 JULY 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa Shaaca ka qaaday inuu Saaqiday Qorshihii koowaad ee Qaranka Somaliland ee Xukuumadda Siilaanyo dejisay 2012-kii, isla markaana uu Qorshaha labaad ee Qaran ee 5-ta sano ee soo socda oo Sabtidii Maanta la  soo bandhigayna yahay mid wakhtigiisii soo dhaafay oo ay muuqato inaanu hirgelaynin. 

FAYSAL CALI WARAABE OO KASHIFAY FASHILKA QORSHAHA QARANKA IYO MUUSE BIIXI OO DIFAACAY 29 JULY 2017

Waxaanu Faysal si cilmiyan ah u sharraxay fashil uu sheegay inuu soo food-saaray qorshaha koowaad ee shantii sano ee tegay iyo gal-daloolooyinka ka muuqda kan shalay la soo bandhigay oo uu tilmaamay inuu laba sano dib uga dhacay waqtigii ay ahayd in lagu hawlgalo.

Guddoomiyaha ahna Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo arrimahaas fashilaadda keenay iyo fashilka iyo qabyada Qorshaha cusub ee la soo bandhigay maanta ka muuqda, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-


aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.