Qayb ka mid ah Dekedda Berbera oo Caawa Dabqabsaday iyo Khasaaraha Ka Dhashay

QAYB KA MID AH DEKEDDA BERBERA OO GUBATAY 18 JUNE 2017

Berbera(Aftahannews):- Qaybta Koontiinnarrada ee Dekedda Berbera, ayaa Dabqabsaday Xilligii Afurka ee Caawa, iyada oo qaybtaasi ay gubanaysay illaa sagaalkii habeennimo iyo dheeraad ee Caawa, isla markaana Saacado dhawr ah ka dib lagu guulaystay in la bakhtiiyo.

QAYB KA MID AH DEKEDDA BERBERA OO GUBATAY 18 JUNE 2017
QAYB KA MID AH DEKEDDA BERBERA OO GUBATAY 18 JUNE 2017

Dekedda Berbera, ayaa horraanta Bishii May ee sannadkan, si rasmi ah Madaxweynaha Somaliland ugu wareejiyey Shirkadda Imaaraadka Carabta laga leeyahay ee Dubia Ports World oo iyadu hadda gacanta ku haysa Dekeddaas, waloow ay Masuuliyiintii hore ee Dekeddu weli la shaqeeyaan Maamul ahaan.

Haddaba, Warka ku saabsan qaybta Dabku qabsaday fiidkii caawa ee Dekedda Berbera, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.