Masuuliyiinta Dekedda Berbera oo ka Warbixiyey Qasaaraha qayb Dekedda ka mid ah oo Saacado Gubanaysay

MAAMULKA DEKEDDA BERBERA OO KA HADLAY DAB QAYB DEKEDDA KA MID AH QABSADAY 18 JUNE 2017

Berbera(Aftahannews):- Maamulka Dekedda Berbera, Masuuliyiinta Waaxyaha qaarkood iyo Madaxda gobolka Saaxil, ayaa sheegay inay ku guulaysteen deminta Dab qabsaday qaybta Koonteennarrada ee Dekedda Berbera, kaas oo ay sheegeen in bakhtiintiisa lagu guulaystay muddo saddex saacadood iyo dheeraad ku siman oo ay qaybtaasi gubanaysay ka dib.

MAAMULKA DEKEDDA BERBERA OO KA HADLAY DAB QAYB DEKEDDA KA MID AH QABSADAY 18 JUNE 2017
MAAMULKA DEKEDDA BERBERA OO KA HADLAY DAB QAYB DEKEDDA KA MID AH QABSADAY 18 JUNE 2017

Maareeyaha Dekedda Berbera Axmed Yuusuf Dirir, Maareeyaha Faraca Badda ee Dekedda iyo Xubno kale oo Shir Jaraa’id caawa ku qabtay magaalada Berbera markii lagu guulaystay bakhtiinta Dabkaas ka dib, ayaa ka warbixiyey xogta ay illaa hadda hayaan ee keentay Dabkaas, qaabka ay ugu guulaysteen deminta Dabkaas iyo Baadhitaanka socda.

Dekedda Berbera, ayaa horraanta Bishii May ee sannadkan, si rasmi ah Madaxweynaha Somaliland ugu wareejiyey Shirkadda Imaaraadka Carabta laga leeyahay ee Dubia Ports World oo iyadu hadda gacanta ku haysa Dekeddaas, waloow ay Masuuliyiintii hore ee Dekeddu weli la shaqeeyaan Maamul ahaan.

Waxaannu Shirka Jaraa’id ee ay Masuuliyiintaasi kaga warbixiyeen Qaybta Dekedda Berbera ka tirsan ee Caawa gubatay, aannu idiinku soo gudbinaynaa isaga oo dhammaystiran Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.