Dad Boqol ka badan oo Dhimasho iyo Dhaawac ka soo gaadhay Dab ka Kacay Waddanka Boortiqiiska

KEYNTA GUBATAY OO OLOLKU IS-QABSADAY

Pedrógão(Aftahannews):- Ugu yaraan 57 Qof, ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen, Dad kale oo Konton Ruux ka badanina ku dhaawacmeen, Dab ka kacay Keyn ku taal magaalada Pedrógão Grande ee badhtamaha Waddanka Burtiqiiska.

KEYNTA GUBATAY OO OLOLKU IS-QABSADAY
KEYNTA GUBATAY OO OLOLKU IS-QABSADAY

Inta badan dadka ay waxyeelada ka soo gaadhay dabkani ayaa dhintay iyagoo ku dhex jiray baabuurtooda, waxaana gudaha baabuurtii ay wateen ugu galay uuro iyo holaca dabka.

HAWL-WADEENNADA DABDEMISKA OO DAALAY
HAWL-WADEENNADA DABDEMISKA OO DAALAY

Meydadka seddex qof oo kale ayaa laga helay meelo u dhaw xabaal ku taala magaaladaasi, kuwaas oo la rumesanyahay in ay u dhinteen dhaawac ka soo gaaray dabka.

RAYSAL-WASAARAHA BOORTIQIISKA OO BOOQDAY KEYNTA DADKU KU GUBTEEN
RAYSAL-WASAARAHA BOORTIQIISKA OO BOOQDAY KEYNTA DADKU KU GUBTEEN

Boqolaal katirsan waaxda dab damiska ee dalka Burtuqiiska ayaa la tacaalaya xaalada, kuwaa oo isku dayaya inay baqtiyaan dabka, balse dhinaca kale duqa magaalada uu dabka ka kacay oo la yirahdo Mr Valdemar Alvesqof ayaa sheegay in dad demiyaasha aysan ku filneyn wax ka qabashada baaxada dabka ka kacay keynta.

Keynta uu dabka ka kacay, ayaa waxaa booqday Eai”sul wasaaraha dalkaasi, waxaana laga cabsi qabaa inay korodho tirada dhimashada, mana cadda waxa sababay dabkani.

Xigasho BBCSomali.com.