Ciidammada Maraykanka oo War ka Soo Saaray Askar Kaga Dhimatay Shil Badda Japan dhexdeeda ku qabsaday

MARKAN CIIDAMMADA MARAYKANKU LEEYAHAY OO DOONI KU DHACDAY BADDA JAPAN OO ASKARI KU DHIMATAY 17 JUNE 2017

Yokosuka(Aftahannews):- Ciidamada badda Mareykanka, ayaa sheegay in todobo kamid ah Askartii saarnayd Markabka USS FITZGERALD la waayay ugu yaraan 3 kalena uu dhaawac soo gaadhay ka dib markii ay Markabkan dagaal isku dheceen Doon Ganacsi oo Calanka dalka Philippine sidatay meel ku dhow Xeebaha dalka Japan Aroornimadii Sabtida ee Saaka.

MARKAN CIIDAMMADA MARAYKANKU LEEYAHAY OO DOONI KU DHACDAY BADDA JAPAN OO ASKARI KU DHIMATAY 17 JUNE 2017
MARKAN CIIDAMMADA MARAYKANKU LEEYAHAY OO DOONI KU DHACDAY BADDA JAPAN OO ASKARI KU DHIMATAY 17 JUNE 2017

Ciidammada ilaalada Xeebaha Japan, ayaa sheegay in dhib uu soo gaadhay Markabka dagaal ee Mareykanka, hase yeeshee aanu halis weyn ugu jirin inuu quuso, halka Doonta Ganacsina ay socodkeeda horey usii wadatay.

Bayaan kasoo baxay Ciidammada Badda ee Mareykanka, ayaa lagu sheegay in FITZGERALD ay kula dhacday Doontan Ganacsi meel qiyaastii 56 Mile oo dhinaca Badda ah kaga beegan YOKOSUKA, mid kamid ah shilalka faro ku tiriska ah ee ka dhaca marin-biyoodkaasi ciriiriga badan.

Sidoo kale, Bayaanku waxa uu intaasi ku daray; in la badbaadiyay saddex Ruux oo uu dhaawac soo gaadhay oo uu ku jiro hoggaamiyihii Markabka Bryce Benson. Waxaana la geeyay Cusbitaal uu Mareykanku leeyahay oo ku yaalla YOKOSUKA.

Waxaa kaloo ay wararku sheegayaan in labo Askari oo kale oo dhaawac ah iyagana Isbitaalka loola cararay kuwaasoo ay soo gaareen dhaawacyo isugu jira jug iyo jajab. Ma jirto cid wax ku noqotay doontan ganacsi ee sidatay calanka dalka Filibiin ee uu markabkan dagaal ku dhacay. Waxaana soconaya baaris la xiriirta sababta dhalisay Shilkaas.

Xigasho VOASomali.com

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.