Ciidammada Ammaanka Galmudug oo Gacanta ku soo dhigay Niman Ku eedaysan Dilka Dad Xoolo-dhaqato ahaa

CIIDAMMADA BOOLILSKA MAAMUL-GOBOLEEDKA GALMUDUG OO QABQABTAY NIMAN XOOLO-DHAQATO LAAYEY 17 JUNE 2017

Galmudug(Aftahannews):- Ciidammada Ammaanka ee Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug, ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku soo dhigeen Niman ku eedaysan inay dhawaan si badheedh ah u laayeen Afar Nin oo Xoolo-dhaqato ahaa oo ka dhacay Dhul-daaqsimeedka gobolka Mudug.

CIIDAMMADA BOOLILSKA MAAMUL-GOBOLEEDKA GALMUDUG OO QABQABTAY NIMAN XOOLO-DHAQATO LAAYEY 17 JUNE 2017
CIIDAMMADA BOOLILSKA MAAMUL-GOBOLEEDKA GALMUDUG OO QABQABTAY NIMAN XOOLO-DHAQATO LAAYEY 17 JUNE 2017

Xeer-ilaaliyaha Ciidanka Boliiska ee gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug Maxamuud Cilmi, ayaa Warbaahinta u sheegay Sabtidii Maanta in ay Ciidanku gacanta lagu soo dhigeen Shan Wiil oo Dhallinyaro ah oo hore u dilay Afar Qof oo Xoolo-dhaqato ahaa.

Waxa uu Xeer-ilaaliye Maxamuud Cilmi oo arrintaa ka hadlayaa, yidhi; “Hawlgalka lagu soo qabtay Eedeysanayaasha, waxaa uu ka dhacay Miyiga deegaanka Jariban, waxaana Dhallinyaradaasi lagu eedeynayaa in ay dileen Afartii Qof oo Xoolo-dhaqatada ahaa.”

Xeeri-ilaaliyaha Booliska gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug, waxa uu sheegay in Shantan Nin ee dilka inay geysteen ku eedaysan markii la soo qabanayey ay dagaal adag la galeen Ciidanka Ammaanka, balse aakhirkii lagu guuleystay in la qabqabto. Isla markaana ay hadda ku xidhan yihiin Gaalkacyo, si dhaqso ahna ay u horgeyn doonaan Maxkamadda, si cadaaladda loo waafajiyo oo lagu qaado Waajibaadka Dembiga in ay galeen ku eedaysan yihiin ee Dilka ah.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.