Madaxweynaha Galmudug loo doortay oo ka hadlay Guushiisa iyo Dawladda Federaalka & Maamullada oo Hambalyeeyey

Cadaado(Aftahannews):- Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa Arbacadii Maanta loo doortay Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug, ka dib markii doorashadaas oo maanta ka qabsoontay xarunta Baarlamaanka Galmudug ee magaalada Cadaado oo ay Musharrixiin dhawr ahi ku tartamayeen.

AXMED DUCAALE GEELLE XAAF MADAXWEYNAHA CUSUB EE MAAMULKA GALMUDUG LOO DOORTAY 03 MAY 2017
AXMED DUCAALE GEELLE XAAF MADAXWEYNAHA CUSUB EE MAAMULKA GALMUDUG LOO DOORTAY 03 MAY 2017

Xubnaha Baarlamaanka  Galmudug ay Madaxweyne u doorteen Axmed Ducaale Geelle Xaaf  oo isla Goobtii lagu doortay lagu dhaariyay. Musharrixii la tartamayay Axmed Ducaale Geelle Xaaf  ee Axmed Shariif Cali Hilowle  ayaa Hambalyo u diray  Madaxweynaha Cusub ee Galmudug.

“Doorashadii maanta Dhacday waxa ay ahayd mid xor ah oo xalaal ah waa layga guuleystay idinkoo madaxweyne u doorateen  Axmed Ducaale waan la shaqayn doonaa Intii dooratayna waxaan ka dalbanayaa in ay la shaqeeyaan Madaxweynaha Cusub.” ayuu yiri Axmed Shariif Cali Hilowle oo ahaa Musharrixii la tartamayay. Madaxweynaha la doortay.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo goobta ka hadlay, ayaa bogaadiyay intii dooratay iyo intii la tartantay oo uu ka guuleystay, isagoo ballan qaaday in uu  ka shaqayn doono Howsha adag ee loo doortay, dowladda Dhexe ee  Federaalka Soomaliya  ayuu ka codsaday in ay kala shaqeeyaan Arrimaha Galmudug.

Wasiir Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Axmed Cabdi  Faarax Juxaa ayaa  u mahad celiyay Guddigii Doorashada Madaxweynaha galmudug Howshii ay Soo qabteen, isagoo sheegay in ugu dambayn Galmudug ay yeelatay Madaxweyne.

Wasiir Juxaa ayaa kula dardaarmay Madaxweynaha Cusub  sii amba qaadista Howsha adag ee hortaalla  oo ay ka mid tahay  wada hadalladii dhawaanahaan u socday galmudug iyo Ahlusunna.

Geesta kale, Madaxweyneyaasha Maamul-goboleedyada Puntlnad, Jubbaland, Hirshabeelle iyo Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya iyo Masuuliyiinta dawladda Federaalka, ayaa hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee Galmudug, isla markaana sheegay inay Allaah uga baryayaan inuu fahansiiyo gudashada waajibaadka xilka loo doortay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.