“Go’aammo adag ayaannu ka soo saaraynaa Colaaddan mar haddii Caqligu shaqayn waayey..” Wasiir Maxamuud Xaashi

WASIIRKA MADAXTOOYADA SOMALILAND MAXAMUUD XAASHI OO KALABAYDH OO SOOL KA TIRSAN KHUDBAD KA JEEDIYEY APRIL 2017

Kalabaydh(Aftahannews):- Wefti Xukuumadda Somaliland iyo Xisbigeeda ka socda oo la sheegay inuu hoggaaminayo Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa Wax-garadka, Waayeelka iyo Odayaasha Dhaqanka ee laba Beelood oo dhawaan ku diriray deegaanno ka tirsan gobolka Sool kulan kula yeeshay deegaanka Kala-baydh ee isla gobolka Sool.

WASIIRKA MADAXTOOYADA SOMALILAND MAXAMUUD XAASHI OO KALABAYDH OO SOOL KA TIRSAN KHUDBAD KA JEEDIYEY APRIL 2017
WASIIRKA MADAXTOOYADA SOMALILAND MAXAMUUD XAASHI OO KALABAYDH OO SOOL KA TIRSAN KHUDBAD KA JEEDIYEY APRIL 2017

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa khudbad halkaas uga jeediyey Dadka deegaanka, isla markaana sheegay inay go’aammo adag ka soo saarayso Xukuumadda Somaliland colaadda soo noqnoqotay ee u dhaxaysa Beelaha wada dega Sool laba ka mid ah oo Dad boqol Ruux ku dhawi ku kala dhinteen dagaallada dhex-marayey 8-dii bilood ee u dambeeyey, halka dhaawacuna boqollaal gaadhay.

Haddaba, Khudbadda Wasiirka Madaxtooyada Somaliland ka jeediyey kulanka Dadka deegaankaas ay kula yeedheen degmada Kalabaydh ee gobolka Sool iyo arrimaha uu kaga hadlay, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.