Cabashada Ganacsatada ee Sicir-bararka Doollarka & Jeesjeeska Jawaabta Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Maxamed Cabdillaahi Ibraahin (Dhoobaale), ayaa si axmaq-nimo iyo jees-jees ah oo xaqiiqada ka fog uga jawaabay Cabashada Sicir-bararka iyo qiimaha Sarrifka Doollarka ee maalinba maalinta ka dambaysa kor u sii socda ee ay Khamiistii Maanta muujiyeen Ganacsatada hoose iyo dhexe ee Suuqyada Hargeysa oo badi albaabbada u laabay Meheradohoodii Ganacsi, ka dib markii ay garan waayeen waxay wax ku iibiyaan ee Doollarka qiimihiisu cirka isku shareeray.

Guddoomiyaha Baanka dhexe, ayaa ku andacooday in Sicir-bararka ay sabab u yihiin Abaaraha Somaliland ka jira iyo joojinta Xoolaha nool ee Sucuudiga u dhoofi jiray. Waxaanu Dhoobaale si jees-jees ah u sheegay inaanay Somaliland keligeed Sicir-bararku ka jirin ee uu caalamka oo dhan ka jiro. Hadalladaas, ayaa u muuqdo kuwo uu ku daboolayo fashilaadda Baanka dhexe iyo Xukuumadda Siilaanyo ee dhinaca wax-ka-qabashada Sarrifka Doollarka ee ay iyagu qaybta ka yihiin sida ay ganacsatadu ku eedeeyeen Xukuumadda iyo Baanka dhexe-ba.

Ganacsatada Dhexe iyo Hoose ee Suuqyada magaalada Hargeysa, ayaa ee Cabashada Shaqo-joojinta ah sameeyey oo Warbaahinta la hadlay, ayaa ka warramay waxa ku kullifay, faahfaahinna ka bixiyey dhibaatada soo foodsaartay iyo waxay xalka u arkaan.

Sidoo kale, Shaqaalaha dawladda Somaliland ee Mushaharka Lacagta Shilinka Somaliland lagu siiyo bil kasta, ayaa iyaguna geestooda Cabasho waawayn ka muujiyey dhibaatada soo food-saartay iyo sida aanay waxba ugu qabanayn Lacagta Shilinka Somaliland lagu siiyo ee Mushaharka ah, maaddaama oo wax walba lagu iibinayo Doollar, Doollarka qiimihii lagu sarrifayeyna cirka isku shareeray.

Waxaanannu Warbixinta Warkaas iyo Weliba Weriyeyaal Boolisku xidheen intii shaqo-joojintaasi socotay maanta, Meherada qaarkood oo lagu qasbay inay dib u furaan Meherada ay xidheen iyo Shir Jaraa’id oo ay Ganacsatadu shaqo-joojintaa ka dib ay ku qabteen isla magaalada Hargeysa, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalladan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Shirka Jaraa’id ee Ganacsatada Hoose dhexe ee Hargeysa

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.