Daawo Shaqo-joojinta iyo Cabashada Ganacsatada Berbera ee Sicir-bararka Doollarka & Hadalka Badhasaabka Saaxil

Berbera(Aftahannews):- Ganacsatada dhexe iyo hoose ee magaalada Berbera, ayaa cabasho ka muujiyey Sicir-bararka iyo qiimaah Sarrifka Doollarka ee Cirka isku shareeray, halkii ugu sarraysayna maraya oo maalinba maalinta ka dambaysa kor u sii kacayo qiimihiisu, waxaanay sameeyeen Maanta cabasho shaqo-joojin ah oo ay Albaabbada ugu laabeen Meheradohooda badi.

Waxay Ganacsatadu Cabasho la hor-tageen Xafiisyada dawladda ee magaalada Berbera qaarkood, waxaana halkaas ay kaga warrameen waxa keenay cabashadooda iyo siday xalka u arkaan iyo waxa sababay inay sii shaqayn kari waayaan oo ay shaqo joojin sameeyaan. Sidoo kale Badhasaabka gobolka Saaxil, ayaa isaguna Warbaahinta la hadlay oo ka hadlay Shaqo-joojinta iyo Cabashada Ganacsatada dhexe iyo Hoose ee Reer Berbera.

Bannaan-baxan iyo Cabashadan Shaqo-joojinta ah ee Berbera ka dhacday oo sidoo kalena Hargeysa ka qabsoontay isla maanta oo ay ka sinnaayeen, waloow badi Meheradaha Ganacsiga ee Hargeysa ee Ganacsatadu xidhay Boolisku qasab ku fureen, haddana Berbera way ka duwanayd, waxaanannu cabashadaa Berbera iyo hadalka Badhasaabkaba idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.