Maayer Cidin oo Dhul-boob ka bilaabay Barxaddii Noobiyadda Berbera, Lacagta uu Siiyey iyo Ganacsatada laga iibiyey

MAAYERKA BERBERA CABDISHAKUUR CIDIN OO XARAASHAY DHULKII NOOBIYADDA BERBERA EE DANTA GUUD APRIL 2017

Berbera(Aftahannews):- Waxa Magaalo-xeebeedda Berbera ka soo baxaaya dhacdooyin ugub ku ah degmadaasi oo la xidhiidha dhul boob Xoog leh  oo ay ku kaceen masuuliyiintii loo diray inay ilaaliyaan hantida guud ee qaranka. Waxa la jabiyey dhamaan shuruucdii dalkani lahaa ee lagu xakamaynaayey xuduudaha dhulka danta guud iyo hantida qaranka.

MAAYERKA BERBERA CABDISHAKUUR CIDIN OO XARAASHAY DHULKII NOOBIYADDA BERBERA EE DANTA GUUD APRIL 2017
MAAYERKA BERBERA CABDISHAKUUR CIDIN OO XARAASHAY DHULKII NOOBIYADDA BERBERA EE DANTA GUUD APRIL 2017

Xaxa xeerarka dhulku dhigayaan in aan badda loo jirsan karin cabir ahaan 220M.  isla markaana 220M tahay danguud oo aanay cidi degi karin. Maamulka Dowlada Hoose ee Berbera oo  Lunsaday $ 480,000 dhul aan sharciyan ansixintiisa aanayn awood u lahayn.

Indho Adkaanta maayarka Berbera iyo xoghayaha Dawlada Hoose ee Berbera ku kaceen waxay tusaale u tahay tudhaale la’aanta danta guud iyo hantida qaranka, iyo waliba sida musuqmaasuqu ugu baahay dowlada hoose ee berbera.

dhacdada layaabka lihi waxa weeye dhulkii agagaarka Noobiyada Berbera oo ah Calaamada ay soo eegtaan gaadiidka badda ee ku socda marsada Xeebta dekeda berbera.

Maayarka Berbera ayaa intuu sharci u samaystay hadana ka iibiyey shirkada dahabshiil oo ku qoran yahay mulkiilaha Shirkadaha Dahabshiil Maxamed Siciid Ducaale. Waxana  uu sharciga dhulka uu iibinayo ku samaystay magaciisa (Cabdi maxamud Xasan) inta waxa dheer in uu ku damiintay hantidiisa gaarka ah.

Iibiyaha waxa saxeexay Eng. Maxamud Cali hayste oo ah Agaasimaha hawlaha Guud Ee Dowlada hoose waxana lagu qoray shirkada iibinaysa oo aan ahayn wax jira. Dhacdadani waxay markhaati u tahay sida shuruuucdii dalka loo kufsaday isla markaana gaadhay heer xatooyada iyo musuqmaasuqa baahsan ee ka jira dhulka degmada Berbera. Noqdo mid aan indhaha laga qarsan karin

Maayarka Berbera Cabdishakuur Cidin waxa uu ku xad gudbay sharcigan dhulka ee uu samaystay ee ka hor imanaaya xeer No.17 oo dhigaaya in badda loo jirsado 220M.

Heshiiskan lacagta badan lagu lunsaday (480.000$) ee lagu iibiyey dhul aan xeer ahaan la sharciyayn karin waxa markhaatiyo ka ahaa heshiiskan rag aad u culus oo ah Qoor weynti iyo labeenti magaalada berbera oo ay ka mid yihiin maxamuud cabdulahi farax, Cismaan Xaaashi Yuusuf iyo Xasan Cisman Ismacil.

Hadaba waxa la isweydiinayaa mar hadan loo aabo yeelayn xeerarkii qaranki lahaa isla markaana hore loo lunsaday  dhulka masaakiinta iyo danyarta  waxaad ka filataa in ay soo socdaan dhacdooyin kale ee ka soo baxaya masuuliyiinta fisoobay Maan guracan, garasho jaan iyo hunguri iyo hanti boob aan marnaba ku sifoobin dal jirnimo iyo hunguri xumaan baahsan. heer xatooyada iyo musuqmaasuq baahsanaanta ka jirta dhulka degmada Berbera.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.