Prof: Samatar oo Naqdiyey Hadal Faysal Cali Waraabe ku Sheegay inuu Weriye Coldoon Toogan lahaa Hadduu Madaxweyne ka yahay Somaliland

FAYSAL CALI WARAABE WERIYE CABDIMAALIK COLDOON IYO PROF AXMED ISMAACIIL SAMATAR NAQDIGA SAMATAR EE HADALKII FAYSAL 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Prof: Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa qalad wayn iyo gef ku tilmaamay hadal ka soo yeedhay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe oo bishii hore mar uu London waraysi ku siiyey Weriye Cagma-dhige oo Universal TV ka tirsan, sheegay haddii uu Faysal ahaan Madaxweyne ka ahaan lahaa Somaliland inaanu xidheen ee uu toogan lahaa Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon.

FAYSAL CALI WARAABE WERIYE CABDIMAALIK COLDOON IYO PROF AXMED ISMAACIIL SAMATAR NAQDIGA SAMATAR EE HADALKII FAYSAL 2017
FAYSAL CALI WARAABE WERIYE CABDIMAALIK COLDOON IYO PROF AXMED ISMAACIIL SAMATAR NAQDIGA SAMATAR EE HADALKII FAYSAL 2017

Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon, ayaa wakhtiga uu Faysal sidaa sheegay ku xidhnaa Xabsiga Hargeysa, ka dib markii Ciidammada Booliska oo fulinayey Amar Wasiirka Warfaafinta Somaliland faray ay 15-ka bishii labaad ee sannadkan ka xidheen Garoonka Diyaaradaha Hargeysa isaga oo magaalada Muqdisho ka soo laabtay, isla markaana shalay laba sano oo Xabsi-ciqaabeed ah ay Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ku xukuntay.

Hase-yeeshee, Axmed Ismaaciil Samatar oo muddo dheer Suxufi BBC-da Laanteeda Afka Soomaaliga ka tirsan ahaa, wakhtiyadan dambana Bare ka ah Jaamacado Maraykanka ku yaalla oo uu ka dhigo Cilmiga Dhaqaalaha iyo Siyaasadda, ayaa Waraysi uu la yeeshay Weriyaha Waqooyiga Maraykanka ee Universal TV Sakariye Aadan, ayaa la weydiiyey sida uu u arko Prof: ahaan hadalka ka soo yeedhay Faysal Cali Waraabe Guddoomiyaha Xisbiga UCID mar su’aal laga weydiiyey Xadhigga Weriye Coldoon ee uu ku sheegay in uu toogan lahaa haddii uu Madaxweynaha Somaliland ahaan lahaa.

Waxaanu Prof: Samatar, sheegay inuu qalad iyo gef yahay hadalkaas ka soo yeedhay Faysal Cali Waraabe haddii uu sidaa u hadlay, isla markaana Madaxweyne kasta haddii uu yahay aanu jirin Sharci siinaya in uu Qof iska toogto, ee Madaxweynuhu xuquuq leeyahay, Qofka Muwaaddinka ahina xaq iyo xuquuq Illaahi ah iyo mid Dastuuri ah-ba uu leeyahay, waxa wax dilaana aanu Madaxweyne ahayn ee uu yahay haddii Qofku uu dembi galo xukunkiisu yahay waxa Sharcigu ka qabo ama dhigayo xataa haddii uu dil yahay Qofkuu rabo ha ahaadee.

Prof: Axmed Ismaaciil Samatar, waxa uu sheegay in dawladaha ku dhaqma Siyaasadda furfuran iyo nidaamka Dimuquraaddiga ah, waxaas oo kale ka dhicin, Madaxduna sidaas oo kale u hadal, Faysal Cali Waraabe-na yahay Masuul aan laga filaynin hadal noocaas oo kale ahi inuu ka soo yeedho ama uu taageero ficil lagu luminayo Xuquuq Weriye Muwaaddin ahi leeyahay. Waxaanu Saxaafadda u soo jeediyey in looga baahan yahay inay hab masuuliyad leh u gutaan waajibaadkooda Shaqo ee saaran oo aanay masuuliyad-darro marnaba muujin.

Haddaba, Hadallada Prof: Axmed Ismaaciil Samatar kaga jawaabay Su’aasha laga weydiiyey hadalka Faysal kaga jawaabay su’aasha laga weydiiyey xadhigga Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon iyo weliba hadalka hore ee Guddoomiye Faysal Cali Waraabe-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalladan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Jawaabta Prof: Samatar ku naqdiyey Hanjabaadda Faysal Halkan ka Daawo

 DAAWO Faysal Cali Waraabe oo ku jawaabay inuu toogan lahaa Weriye Coldoon

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.