Natiijada Kulan Culimada Hargeysa la yeesheen Madaxweynaha Somaliland iyo Shirguddoonka Golaha Wakiillada

CULIMADA SOMALILAND OO KULAMMO LA YEESHAY MADAXWEYNE SIILAANYO IYO SHIR-GUDDOONKA GOLAHA WAKIILLADA 09 APRIL 2017.png

Hargeysa(Aftahannews):- Xubno ka tirsan Culimada ku dhaqan magaalada Hargeysa, ayaa ka warramay natiijada kulan ay la yeesheen Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), iyaga Abwaaniin iyo Madax-dhaqameedka dalka qaarkood.

CULIMADA SOMALILAND OO KULAMMO LA YEESHAY MADAXWEYNE SIILAANYO IYO SHIR-GUDDOONKA GOLAHA WAKIILLADA 09 APRIL 2017.png
CULIMADA SOMALILAND OO KULAMMO LA YEESHAY MADAXWEYNE SIILAANYO IYO SHIR-GUDDOONKA GOLAHA WAKIILLADA 09 APRIL 2017.png

Kulankaas oo Culimadu ay sheegeen inay Madaxweynaha kula yeesheen xarunta Madaxtooyada ee magalaada Hargeysa Sabtidii shalay, ayaa ujeeddadiisa ay ku sheegeen inay kala hadleen Madaxweynaha sidii loo joojin lahaa Xeerka Baananka Ganacsiga oo ay ugu yeedheen Xeerka Ribada, kaas oo ka mid ahaa qodobbada bishii hore la ansixiyey ee Ajandaha Kal-fadhigga 33-aad ee Golaha Wakiillada Somaliland, Xeerkaas oo aan la ansixin, isla markaana dooddiisa aanay Mudanayaasha Golaha Wakiilladu bilaabin.

Waxay Culimadu sidaa ku sheegeen hadal ay ka jeediyeen Kulan ay Axaddii Maanta Xarunta Baarlamaanka ee magaalada Hargeysa kula yeesheen Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Golahaas oo ay weheliyeen Xildhibaannada Wakiillada qaarkood, waxaanay sheegeen in Madaxweyne Siilaanyo ka aqbalay soo jeedintooda, isla markaana u ballan-qaaday inaan la ansixin doonin Xeerkaas haddiiba uu ka soo horjeeda Shareecada Islaamka, sidoo kalena inta uu joogo wax Shareecada Diinta Islaamka ka baxsan dalka laga dhaqangelin doonin, sida ay Culimadu sheegeen.

Haddaba, Warbixinta Warkooda iyo Hadallada Xubnaha Culimada u hadlay oo kulammadaas iyo waxa ka soo baxay faahfaahinaya iyo weliba Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Baashe oo isna dhiniciisa ka hadlay kulanka Culimada dhex-maray iyo waxay iskula qaateen, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com                                                

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.