Guddiga Wanaag-Farista oo ka digay halista Urur Islaami ah oo lagaga dhawaaqay dhawr Dal, Hargeysana laga Taageeray

GUDDIGA WANAAG-FARISTA SOMALILAND OO KA DIGAY URURKA Al-Saaciduun Bil-xaq OO AY KU BAAQEEN IN TALLAABO LAGA QAADO 2017

“Ninka Mustafe ee Masar kaga dhawaaqay Ururkan Rag Soomaaliyeed baa soo qaaday oo Muqdisho ayey keeneen 1979-kii, Raggii loo keenay baan ka mid ahaa, Raggii diiday baan ka mid ahaa oo fikirad faasid ah oo Diinta aan asal ku lahayn bay ahayd..” Guddoomiyaha Guddiga Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista Somaliland

GUDDIGA WANAAG-FARISTA SOMALILAND OO KA DIGAY URURKA Al-Saaciduun Bil-xaq OO AY KU BAAQEEN IN TALLAABO LAGA QAADO 2017
GUDDIGA WANAAG-FARISTA SOMALILAND OO KA DIGAY URURKA Al-Saaciduun Bil-xaq OO AY KU BAAQEEN IN TALLAABO LAGA QAADO 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Guddiga Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista Somaliland, ayaa markii ugu horraysay ka hadlay Urur-diimeed lagaga dhawaaqay waddamada Masar, Liibiya, Soomaaliya, isla markaana laga taageeray magaalada Hargeysa, kaas oo la magac-baxay Al-Saaciduun Bil-xaq, waxaanay Xukuumadda talada haysa ugu baaqeen inay Tallaabo adag ka qaaddo Xubnaha Urur-diimeedkaas taageeray ee Hargeysa ku sugan, iyaga oo ku dooday in fikirka Ururkaasi wadaa yahay mid aan asal iyo faran toona ku lahayn Sunnada Nebi Muxamed (C.S.W) ee Diinta Islaamka.

KOOXDA HARGEYSA KA TAAGEERTAY URURKA Al-Saaciduun Bil-xaq  2017
KOOXDA HARGEYSA KA TAAGEERTAY URURKA Al-Saaciduun Bil-xaq 2017

Guddoomiyaha Guddiga Wanaag-farista Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed, ayaa sheegay in Ninka fikirkan ka soo walwaalay dalka Masar ay hore u diideen xilli Jaamacadda Hargeysa loogu keenay, sida uu sheegay mar uu shalay magaalada Hargeysa Warbaahinta qaarkeed kula hadlay

“Ninkii Bayaanka Muqdisho ka jeedinayay si wanaagsan baan isu-naqaan Cismaan Cabdulle Rooble, afarta halkan (Hargeysa) kaga dhawaaqay Nin baannu is wanaagsan isu-naqaannaa, saddexda kale isma naqaanno. Laakiin, way ku caddaatay. Kuwa Puntland Nin baan ka gartay oo isaguna Arday ka ahaa magaalada Maka (Dalka Sucuudiga) oo fikirkan soo qaatay oo dalka la yimi. Afartanka sano ee ay lahayeen waannu qarsoonayn, may qarsoonayn ee Dadka yaqaanna Xarakaadkooda waa lagu ogaa inay Tagfiir ahaayeen.” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdalla

Sidoo kale, Sheekh Cabdiraxmaan mar uu ka hadlay Ninka Masar kaga dhawaaqay Ururkan fikirkiisa uu sheegay inay hore u diideen Isaga, Sheekh Daahir Aways, Sheekh Cukaashe, Sheekh Cabdiraxmaan Kadiye iyo kuwo kale, waxa uu yidhi; “Weliba Ninkan ay immika sheegteen (inuu Amiirkooda yahay) ee Mustafe la la yidhaahdo ee kaga dhawaaqay Ururkan dalka Masar, waa Raggii Xabsiyada Masar Tagfiirka ku soo qaatay buu ka mid ahaa, wuxuu ahaa Nin Mufikir ah.”

“Ninkaas Mustafe magaalada Maka ayuu yimi waa lagu soo dhaweeyey, Macallin baa laga dhigay Jaamacadda, Rag Soomaaliyeed oo ka tirsan baa soo qaaday oo Muqdisho ayey keeneen 1979-kii, Raggii loo keenay baan ka mid ahaa, Raggii diiday baan ka mid ahaa oo fikirad faasid ah bay ahayd oo Diinta aan asal ku lahayn oo khilaafsan Caqiidada saxda ah ee tii Nebi Maxamed (SCW). Inay khilaafsan tahay markaannu oggaannay ayaannu diidnay oo waxaannu ku ahayn Sheekh Cukaashe, Axmed Daahir Aways, Cabdiraxmaan Kadiye intaas baannu ku diidnay, waan xasuustaa.” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdalla oo ah Guddoomiyaha Guddiga Culimada Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista ee Somaliland.

Ururkan la magac-baxay Al-Saaciduun Bil-xaq, ayaa toddobaadkii hore lagaga dhawaaqay Caasimadaha waddamada Masar, Liibiya, Soomaaliya iyo Maamulka Puntland, kaas oo ay ku bahoobeen sida Warbaahinta laga daalacday Muuqaalladada iyo Magacyada Dadka ku dhawaaqay iyo kuwa taageeray Ururkaas, waxay isugu jiraan Dhakhaatiir, Barayaal Jaamacadeed, Culimo iyo Dad kale oo Aqoonyahaniin looga yaqaanno dalalkaas. Waxaana Ururkaas taageeray oo soo dhaweeyey Macallimiin la sheegay inay wax ka dhigaan Jaamacadda Hargeysa, inkasta oo uu Wasiirka Cadaaladda Somaliland beeniyey in Hargeysa lagaga dhawaaqay ama uu farac ku leeyahay Ururkaas.

Qaar ka tirsan Dadka Falanqeeya Dhaqammada Ururrada Islaamiyiinta Sheegta ee Xag-jiriinta ama Argaggixisada loo yaqaanno; sida Daacish, Al-Shabaab, Boko Haram iyo kuwo kale oo Dunida Islaamka ka jira, ayaa ku tilmaamay Ururkan cusub mid aan la dhayalsan karin, isla markaana xag-jirnimadiisu weli qarsoontay, balse aanay waxba ka sokoynin kuwii hore u jiray ee ay dhaqan-wadaag yihiin, maaddaama oo ay u muuqdaan kuwo aan qirsanayn in Islaam sax ah oo aan iyaga ahayni jiraan wakhtigan, sida laga dhadhansaday khudbadaha ay ka jeediyeen Munaasibadii lagu qabtay magaalooyinka Qaahira ee Masar, Muqdisho ee Soomaaliya, Garoowe ee Puntland iyo Liibiya, iyaga oo Sheegay inay u baaqayaan Ummadaha Dunida, balse aan sheegin inay u baaqayaan Islaamka Caalamka.

Xigasho Wargeyska Ogaal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.