Sweden: Cidda loo qabtay Weerar Gaadhi lugu Fuliyey & Tirada Weerarrada 2 Sano Xamuul lagu geystay ee ka dhacay Yurub

Sweden: Cidda loo qabtay Weerar Gaadhi lugu Fuliyey & Tirada Weerarrada 2 Sano Xamuul lagu geystay ee ka dhacay Yurub

Stockholm(Aftahannews):- Booliska dalka Sweden, ayaa xidhay Nin ay aamminsan yihiin inuu ka dambeeyay weerar Gaadhi Xamuul ah lagu fuliyey oo fiidkii Jimcaha ee shalay ka dhacay Meherad ku taalla magaalada Stockholm ee Caasimadda dalkaas.

Sweden: Cidda loo qabtay Weerar Gaadhi lugu Fuliyey & Tirada Weerarrada 2 Sano Xamuul lagu geystay ee ka dhacay Yurub
Sweden: Cidda loo qabtay Weerar Gaadhi lugu Fuliyey & Tirada Weerarrada 2 Sano Xamuul lagu geystay ee ka dhacay Yurub

Dacwad-oogayaashu waxay sheegayaan in Ninkaasi looga shakiyay in uu argagixiso xidhiidh la leeyahay. Warbaahinta dalka Sweden waxay sheegayaan in Ninka oo 39 sano jir da’diisu tahay uu ka soo jeedo dhalasho ahaan waddanka Uzbekistan, sida maanta Boolisku sheegeen.

NINKA LOO QABTAY WEERARKA GAADHIGA LOO ADEEGSADAY EE SWEDEN KA DHACAY 2017
NINKA LOO QABTAY WEERARKA GAADHIGA LOO ADEEGSADAY EE SWEDEN KA DHACAY 2017

Weerarkaas Gaadhiga Xamuulka ah lagu fuliyey Fiidnimadii Jimcaha, Afar Qof ayaa ku dhintay, 15 kalena way ku dhaawacmeen, ka dib markii Gaadhigaas oo Shirkad lahayd laga soo xaday Qofka waday uu jiidhsiiyey Dad Jidka marayey, isla markaana uu si toos ah u geliyey Gaadhiga Meherad ay Dad badnai ku sugnaayeen oo ku taallay mid ka mid ah Waddooyinka ugu mashquulka badan magaalada Stockholm ee dalka Sweden, halkaas oo ay Dadka badankoodu ka yaaceen.

Gaadhiga Xamuulka ah ee weerarka loo adeegsaday, ayaa laga saaray dhismihii lagu dhuftay. Boolisku may xaqiijin wararka sheegaya in Gaadhiga ay saarnaayeen waxyaabo qarxa iyo in kale. Sidoo kale may ka hadal Nin kale oo la qabtay, in looga shakisan yahay  in uu ku lug lahaa weerarka.

Ra’iisul wasaaraha Sweden Stefan Lofven, ayaa dhacdada ku tilmaamay mid argaggixiso, waxaanu amray in Amniga Xuduudaha dalkiisu waddamada kale la wadaago la adkeeyo. Waxaana aad loo adkeeyey Xuduudaha Sweden iyo ammaanka gudaha magaalooyinka dalkaas; sida ay faafisay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da oo aan Warkan ka soo xigannay.

Waxaa soo badanaya weerarrada Baabuurta Xamuulka ah lagu fuliyo tan iyo dabayaaqada sannadkii 2015-kii oo illaa sannadkan aynu ku jirno ee laga fuliyo gudaha waddamada Yurub iyo Maraykanka, waxaana kan ka horreeyey weerarro Gawaadhi Xamuul ah loo adeegsaday oo laga fuliyey waddamada Faransiiska iyo Jarmalka.

14 July 2016, Nin ayaa Gaadhi jiidhsiiyay Dad isugu soo baxay magaalada Nice ee dalka Faransiiska. 86 Qof ayaa ku dhimatay, in ka badan 300 oo Qofna way ku dhaawacmeen. Sidoo kale, 28 November 2016, Ohio, Nin la sheegay in uu 18-jir ahaa ayaa Gaadhi jiidhsiiyey Ardey ku dhex socotay Jaamacadda Ohio ee dalka Maraykanka. 11 Qof ayaa ku dhaawacantay goobta, Isagana Booliska ayaa toogtay.

19-kii December 2016, Berlin: Nin ayaa Gaadhi kuwa Xamuulka ah jiidhsiiyey Suuq ku yaalla magaalada Berlin oo la isaga diyaarinayey Ciiddii Kiristaanka, waxaanu dilay 12 Qof, 49 kalena way ku dhaawacmeen. Ururka la baxay Khilaafada Islaamka ayaa sheegtay masuuliyaadda weerarkaas.

22-kii March 2017, London, Afar Qof ayaa dhimatay, ugu yaraan 50 kalena way dhaawacmeen ka dib markii Nin uu Gaadhi ku dhuftay xilli ay marayeen Buundada Westminster magaalada London ee Waddanka Britain. Ka dib wuxuu Ninkaasi galay xarunta Baarlamaanka Britain, waxaanu Middi ku dhuftay Askeri, ka dibna waa la toogtay.

23-kii March 2017, Antwerp, Belgium: Nin ayaa la qabtay xilli uu Gaadhigiisa ku jiheeyay dad badan oo meel isugu tagay, waxaa laga helay middi iyo waxyaabo kale oo halis ah. ka dib waxaa la laalay eedihii loo jeediyay ee argagixisenimada.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.