Hilaadinta Guddiga, Hindisaha Waddani, Hakinta La-xaajoodka Kulmiye, Hadalka Maxamed & Hummaagga Jamaal

JAMAAL CALI XUSEEN 2016

“Annagu waxaannu u aqoonsannahay Garab ka socda Jamaal Cali Xusseen, kaasaannu ku wadahadalney, kaasaanannu hadalka kuwada dhammeysanneynaa..” Maxamed Kaahin Axmed

“Mayee waannu wada soconnaa Jamaal, Wadahadalka aannu hakinnayna maaha ka Waddani ee waa ka Kulmiye…” Aadan Suldaan Cabdiraxmaan

JAMAAL CALI XUSEEN 2016
JAMAAL CALI XUSEEN 2016

Hargeysa(Aftahannews):- Guddiga Jamaal Cali Xuseen dhawaan u magacaabay wadahadallo Garabkiisii UCID ka tirsanaan jiray la furay Xisbiyada Waddani iyo Kulmiye oo Sabtidii shaaciyey inay hakiyeen wadahadalka ay la bilaabeen Kulmiye, ayaa sheegay inuu meel fiican u marayo wadahadalka Waddani, iyaga oo meesha ka saaray Warar sheegaya in Jamaal kaga baxay wada-xaajoodka ay kula jiraan Waddani oo uu dhinaca Kulmiye u janjeedho.

GUDDIGA WADAHADALKA XISBIGA WADDANI IYO GARABKA JAMAAL 2016
GUDDIGA WADAHADALKA XISBIGA WADDANI IYO GARABKA JAMAAL 2016

Hase-yeeshee, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ka hadlay wadahadalka ay la bilaabeen Garabka UCID ka tirsanaan jiray ee uu Jamaal Cali Xuseen hoggaamiyo, maalin ka dib markii Garabkaasi Sabtidii sheegay inay hakiyeen wadahadalkaas ay la bilaabeen Kulmiye, iyaga oo sabab uga dhigay hakintooda meeqaam hoose oo ay kala kulmeen iyo inay meesha ka saareen inay yihiin Garab Xisbiga UCID ka tirsanaa sida ay ku doodeen. Balse, Maxamed Kaahin waxa uu sheegay inuu u socodo wadahadalkaasi, meel fiicanna u marayo.

GUDDOOMIYE KU-XIGEENKA KULMIYE MAXAMED KAAHIN AXMED 2016
GUDDOOMIYE KU-XIGEENKA KULMIYE MAXAMED KAAHIN AXMED 2016

Guddiyada Xisbiga Waddani iyo Garabka Jamaal u metelaya wadahadalka Waddani oo Shir Jaraa’id wada-jir shalay ugu qabtay magaalada Hargeysa, waxaa ka hadlay Aadan Suldaan Cabdiraxmaan oo ka tirsan Garabka Jamaal Cali Xuseen, waxaanu yidhi; “Wadahadalkii noo socday Waddani, waannu wada-hadalnay maanta (shalay), waxna way noo dhammaadeen, waxna weli isla maannaan meel-dhigin oo hawlihii weli way noo socdaan, waxaanannu idiin sheegaynaa in aynu ka wada xidhiidhi doonno wixii dambe ee ballan ah.”

Aadan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey inuu Jamaal kaga hadhay wadahadalka Waddani, waxa uu yidhi; “Mayee waannu wada soconnaa Jamaal, wax allaala wax ka jiraana ma jiraan (warkaa). Wadahadalka aannu hakinnay maaha ka Waddani ee waa ka Kulmiye.”

Sidoo kale, Siciid Sulub Maxamed oo ka tirsan Guddiga Xisbiga Waddani ee wadahadalka kula jirtay Garabka Xisbiga UCID, ayaa dhankiisa sheegay qaabka ay wadahadalka ugula jiraan Garabka Jamaal, waxaanu yidhi; “Wadahadalkii noo soo socday muddada, waxa uu marayaa marxalad aad u wanaagsan oo hadda uun xaalxaal u dhiman yahay, Insha Allaahu maalmaha soo socda war farxadle ayaad naga maqli doontaan, qoladan UCID ee wadahadalku noo socdo, Annagu UCID ahaan ayaannu u la hadlaynaa.”

Geesta kale, Guddoomiyaha Koowaad ee Xisbil-xaakimka Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, ayaan soo hadal-qaadin hakadkaa wadahadalka ee Guddiga Garabka Jamaal shaaciyey maalmihii Sabtidii iyo Axaddii ee shalay iyo dorraad, isaga oo sheegay inay Xisbi ahaan u aqoonsan yihiin cidda ay la hadlayaan Garabka Jamaal Cali Xuseen oo iyagu ku doodaya Garabka UCID ee Jamaal hoggaamiyo.

“Sida aynu la wada soconney beryahan muddo laba maalmood ah Garabka Xisbiga UCID ee Jamaal Cali Xusseen Ergo ka socot iyo Ergo ka socota Xisbiga Kulmiye, ayaa wadahadlaayey, si fiican ayaannu u wadahadalney oo wax dhib ah iyo wax isa-seeg ah oo naga horyimi aanay jirin.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Kaahin.

Waxaanu Guddoomiye Ku-xigeen Kaahin oo sii watay hadalkiisa intaas ku ladhay; “Annagu Waxaannu ahayn Xubno ka socda Xisbiga Kulmiye, iyagana waxaannu kula hadlaynay iyaga oo ah Garabka Jamaal Cali Xuseen oo aannu sidaa u aqoonsannahay, wadahadalladuna si aad iyo aad u fiican bay noogu socdeen, meel fiican baannu dhignay, hawlo kale iyo wadahadallo kale ayay iyaguna galeen, haddana wadahadalladayadi way noo soconayaan, waxaan rejaynaynaa in si fiican oo midho dhal ah oo is-afgarad ah oo labadayada qolaba aannu ku kalsoonaanno inay noogu dhammaadaan, wax dhib ahi ma jiraan, wixii soo baxana wadahadal baannu ku dhammaysanaynaa, si fiican baannu uga wadahadlnaynaa.”

Maxamed Kaahin Axmed oo ka jawaabayey waxay Kulmiye ahaan u aqoonsan yihiin Garabka UCID ka tirsanaan jiray ee Jamaal hoggaamiyo ee ay wadahadalka la fureen, waxa uu yidhi; “Annagu waannu wadahadalnay oo waxaannu u aqoonsannahay iyaga oo Garab ah oo ka socda Jamaal Cali Xusseen, kaasaannu ku wadahadalney, kaasaannu u aqoonsannahay, kaasaanannu hadalka kuwada dhammeysanneynaa.”

Jamaal Cali Xuseen, ayaan isagu weli ka hadal arrimahaas ay Kulmiye iyo Guddiga wadahadalka uu u magacaabay isaga jawaabta celiyeen ee hakinta wadahadalka Kulmiye ay la bilaabeen ee Kulmiye ku dooday inuu socdo. Sidaa daraaddeed, Wargeyska Ogaal oo isku dayey xalay inuu Jamaal wax ka weydiiyo hadalladaas iyo sida uu ula socdo, ayaanay noo suuragelin inaannu wax jawaab ah ka helno, ka dib markii uu naga qaban waayey Taleefankiisa gacanta oo aannu dhawr jeer oo xalay ah ka wacnay, sidoo kalena farriin qoraal ah aannu ugu dirnay.

Hase-yeeshee, waxaa la marka la eego sida kalsoonida badani ka muuqato ee Guddoomiye Ku-xigeen Maxamed Kaahin arrintaas uga hadlay marka loo eego ma waxa jira waxan ay Guddiga Garabka Jamaal sheegeen wax ka duwan oo ay Kulmiye iyo Jamaal isku ogyihiin? Balse, weli ma cadda arrintaasi, inkastoo wararka suuqa soo galay ee tibaaxaya in Jamaal u dhaw yahay ama aad ugu janjeedho dhinaca Kulmiye, haddana waxa warkaas meesha ka saaray jawaabta uu su’aasha laga weydiiyey in Jamaal wadahadalka Waddani kaga hadhay iyo inuu kula socdo Aadan Suldaan Cabdiraxmaan oo sheegay inay isku mawqif ka yihiin wadahadalka Waddani ee ay rejada fiican ka muujiyeen shalay.

Xigasho Wargeyska Ogaal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.