Maxamed Kaahin oo ka hadlay waxa Kulmiye u Aqoonsan yahay Garabka Jamaal iyo Hakadka Wadahadalka – Daawo

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ka hadlay wadahadal ay la bilaabeen Garabka UCID ka tirsanaan jiray ee uu Jamaal Cali Xuseen hoggaamiyo, maalin ka dib markii Garabkaasi Sabtidii sheegay inay hakiyeen wadahadalkaas ay la bilaabeen Kulmiye, iyaga oo sabab uga dhigay hakintooda meeqaam hoose oo ay kala kulmeen iyo inay meesha ka saareen inay yihiin Garab Xisbiga UCID ka tirsanaa sida ay ku doodeen.

Hase-yeeshee, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Kulmiye Maxamed Kaahin oo Maanta Warbaahinta qaarkeed kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa geestiisa ku dooday inuu jiro wax hakad ah oo ku yimi wadahadalka ay kula jireen Garabka Jamaal Cali Xuseen oo uu sheegay inay u aqoonsan yihiin Garab uu hoggaamiyo Jamaal.

Hadalka Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Xisbil-xaakimka Kulmiye ka yidhi arrimahaas iyo kuwo kale, waxaannu idiinku soo gudibnaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.