Weftiga Madaxweyne Siilaanyo oo Burco ku Hoyday, Soo dhawaynta uu la kulmay & Jidka loogu Magac-daray

SIILAANYO IYO KA SOO NOQOSHADA CEERIGAABO ILLAA BURCO GABADH YAR 2016

Burco(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland iyo Weftiga uu hoggaaminayo oo soo dhammaystay Safarkii qiimaynta Abaaraha iyo Caawinta dadka ku dhaqan deegaannada ay abaartu saamaysay ee gobollada Bariga, ayaa caawa ku hoday magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ka dib markii ay Sabtidii Maanta ka soo ambabaxeen magaalada Ceerigaabo ee xarunta Sanaag, waxaanu soodhawayn kala kulmay Bulshada ku dhaqan inta u dhaxaysa labadaas magaalo.

SIILAANYO IYO KA SOO NOQOSHADA CEERIGAABO ILLAA BURCO GABADH YAR 2016
SIILAANYO IYO KA SOO NOQOSHADA CEERIGAABO ILLAA BURCO GABADH YAR 2016

War Qoraal ah oo qaybta Warbaahinta Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland u soo diray Warbaahinta, ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu kormeeray Waddada isku xidha Ceerigaabo iyo Burco oo dhismeheedu qaybo ka mid ah socdo, isla markaana loogu magac-daray Madaxweynaha oo loo bixiyey Siilaanyo Raod. Qoraalka Warkaas oo Nuqul ka mid ahi xalay soo gaadhay Warbaahinta Aftahannews.com, caawa, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Weftigii Madaxweynaha Qaranka Somaliland ee mudada sideeda maalmood ah ku guda jiray socdaalkoodii Tabantaabo, ayaa saaka ka soo kicitimay magaalada Ceerigaabo oo ay laba habeen u dhexeen weftiga Madaxweynuhu, intii ay socdaalka ku jireen Madaxweynuhu waxa uu soo kormeeray hawsha baaxada leh ee ka socota wadada isku xidha Burco ilaa Ceerigaabo loona bixiyey Silaanyo Road.

Geesta kale madaxweynuhu waxa uu soo dhawayn miisaan leh kala kulmay shacbiga ku dhaqan deegaamada Yufle, Ceel-afweyn, Fadhigaab, Gar-adag, War-idaad, Xayira iyo dhamaan tulooyinka  u dhexeeya Togdheer, Sanaag iyo Saraar, oo dadka ku sugani ay madaxweynaha iyo weftigiisa ku qaabileen soo dhawayn muq iyo miisaan leh, isaga oo madaxweynuhu u jeediyey khudbado kala duwan dadka una duceeyey in Alle abaarta ka soo furto oo raxmad khayr qabta u shubo.

Madaxweynaha oo shacbiga ku dhaqan gar-adag ay u sameeyeen hadhimo sharafeed ayaa qadada ka dib u soo dheemaalay dhinaca War-idaad oo uu madaxweynuhu xog waran ka dhegeystay dadka ku dhaqan halkaasi una sheegay ujeedada safarka weftiga uu gadhwadeenka ka hayey, sidoo kale madaxweynuhu waxa uu dhagax dhigay dugsi Boodhin ah oo loo dhisayo magaalada Xayira, kaas oo loogu magac daray Mujaahid Cabdilaahi Cali Suufi oo ka mid ahaa halgamayaashii dalkan u soo halgamay.

Ugu dambayntii waxay  weftigii madaxweynuhu soo gaadheen magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco, waxaana laamiyada magaalada isugu soo baxay oo ka qayb qaatay soo dhawaynta madaxweynaha shacbigi aad u tiro badan, halka maamulka heer gobol iyo heer degmo oo ay weheliyaan madax-dhaqameed, waxgarad, waayeel, xildhibaano iyo bulshada qaybeheeda kala duwanina ay kaga horyimaadeen duleedka magaalada una soo gelbiyeen dhinaca guriga martida ee Burco oo uu madaxweynuhu caawa ku soo degay.” Sidaa ayaa lagu yidhi Warka Qoraalka ah ee Madaxtooyada.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.