Cabdiqaasim Salaad Xasan oo sheegay inaanay Soomaaliya u baahnayn Ciidammo Shisheeye

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xasan, ayaa sheegay inaanay Soomaaliya waqtigan u baahnayn Ciidammo Shisheeye, waxaanu si gaar ah uga hadlay Ciidammada dawladda Itoobiya ee toddobaadkii hore ku biiray kuwa Midawga Afrika ee AMISOM.

Cabdiqaasim

Cabdiqaasin Salaad Xasan oo ku sugan waddanka Masar, waxa uu sheegay in joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya uu yahay mid aan xilligan loo baahnayn, wuxuuna tallaabo aan munaasib ahayn ku tilmaamay qorshaha ciidamada Itoobiya loogu daray hawlgalka AMISOM.

Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xasan, wuxuu beesha caalamka ugu baaqay in ay dowladda Soomaaliya lagu taageero sidii ay ku dhisan lahayd ciidamo xooggan oo awood u leh in ay si buuxda dalka oo dhan uga hawlgalaan.

“Soomaaliya uma baahna ciidamo shisheeye…Soomaaliya waxay u baahan tahay in loo dhiso cidamo xooggan oo karti iyo awood uleh inay dalka oo dhan ka hawlgalaan, si looga marmaamo quwadaha ajnebiga ah…” sidaa ayuu yidhi Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.