Madixii Caafimaadka Al-Shabaab oo weerar cirka ah lagu dilay

 

Soomaaliya(Aftahannews):- Madaixii caafimaadka  kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta koonfurta Soomaaliya ,ayaa lagu dilay weerar dhinaca cirka ah oo  lagula eegtay gantaal ay ku ridday diyaarad ah nooca aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaanno Drones.

Waxaa galabta weerar  qorshaysan oo  dhinaca cirka ah lagu dilay  Sarkaal sare oo ka tirsanaa ururka Al Shabaab, kaasoo lagu weeraray diyaarad ah nooca aan cidi wadin  ka dibna gantaal ku dhufatay gaadhigii uu watay oo la sheegay inuu marayay meel ka mid ah gobolada Bay iyo Bakool oo aan toos loo  magacaabin halka ay tahay.

Madixii caafimaadka kooxda Al-Shabaab Axmed Cabdiqaadir Cabdilaahi, oo lagu naaneysi jiray Cammo Isku Dhuuq.ayaa ku dhintay ka dib markii gaadhigii uu saarnaa ay gantaal ku gubtay diyaarad ku soo qaaday weerar qorshaysan oo loogu talo gay in lagu khaarajiyo

Warkan oo goor dhaweyd soo baxay,ayaa intaa ku daray in uu la dhintay dirawalkii gaadhiga la qarxiyay u waday oo lagu magacaabo Maxamed Cabdilaahi.

Sarkaalka la dilay ayaa la sheegay inay aad isugu dhawaayeen hoggaamiyaha kooxda Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland