Masuuliyiinta Dawladda Soomaaliya oo ka qayb galay kulan hawleed ay isugu yimaadeen Wasiirada Cusub

Muqdisho(Aftahannews):- Masuuliyiint ugu sarraysa Dawladda Soomaaliya,ayaa ka qayb galay kulan hawleed ay maanta isugu yimaadeen Wasiiradda Cusub ee Soomaaliya oo lagu dar dar galinayo hab sami u socodka hannaanka Dawladda,kaasoo loogu magac daray

Daawo Sawirada Madaxda Dalka oo ka qeyb galay kulan howleed Golaha Wasiirada uga arrinsanayaan qorsheyaasha sanadka oo Muqdisho ka furmay      

 

Raysal-wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta furay kulan howleed labo cisho socon doona kaasoo Golaha Wasiirada ee Xukuumada si gaar ah uga wadatashan doonaan howlaha baaxada leh ee horyaala iyo sidii loogu fulin lahaa muhiimadaha ay kala leeyihiin, gaar ahaana qorshaha sanadka 2014-ka.

 

 

Kulankan oo ka dhacay dhismaha Villa Hargeysa ayaa waxaa ka soo qeybgalay madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo kuxigeenkiisa, waxaana kulankan hadalo dardaaran iyo dhiiragelin ah ka jeediyay madaxda dawladda.

Raysal-waasaaraha Xukuumada oo ugu horeyn madasha ka hadlay ayaa xusay in kulankani uu muhiimad gaar ah u leeyahay howlqabadka xukuumada, wuxuuna xusay inay diirada ku saari doonaan arrimaha ku aadan sugida amniga iyo xasilinta dalka, kobcinta dhaqaalaha, horumarinta adeegyadda daweynaha tuulo, gobol illaa degmo, iyo gaarsiinta dalka ee doorashooyin xor ah.

Sidoo kale, guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari ayaa kula dardaarmay xubnaha golaha Wasiiradu inay wada shaqeyn dhow la yeeshaan golaha baarlamaanka si loo helo kalsooni dhex marta goleyaasha Fulinta iyo sharcidejinta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka codsaday Golaha Wasiirada inay la yimaadaan howlkarnimo, daacadnimo iyo wada shaqeyn dhexdooda ah. Isaga oo aad ugu dheeraaday howlaha baaxada leh ee hor yaala, gaar ahaana qabyo-tirka Dastuurka, abuurida guddiyada, Federaaleynta, iyo gaarsiinta dalka doorasho ku dhacda codeyn dadweynaha ee sanadka 2016-ka.

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland